AKHRISO: Siddeed Arrimood Oo Aanad Ka Ogeyn Dheemanka Man United Ee Kobbie Mainoo


Dheemanka Manchester United ee Kobbie Mainoo ayaa ay dad badan xogtiisa ka raadiyeen Google markii uu bandhigga heerka sare ah ka sameeyey ciyaarihii saaxiibtinimo ee xagaagii ee waddanka Maraykanka, ka hor intii aanu ku dhaawacmin ciyaartii Real Madrid.

Xogta ugu muhiimsan ee ay jamaahiirta kubadda cagtu helayeen waxay ahayd, in Kobbie Mainoo uu ka mid ahaa shaxdii uu tababare Erik ten Hag kusoo bilaabay ciayartii Charlton Athletic ee tartanka Carabao Caup ee January 2023.

Waxa kale oo usoo baxday taageereyaasha, in Kobbie Mainoo uu kasoo baxay kulliyadda da’yarta Manchester United balse faahfaahin badan oo dheeraad ah ma aanay helin.

Wixii intaa ka dambeeyey, waxa bilowday isbarbar-dhig lagu sameeyey Mainoo iyo Paul Pogba. Waxa kale oo la isweydiiyey waddanka uu asal ahaan kasoo jeedo oo noqday Ghana iyo haddii uu u ciyaari doono mustaqbalka xulka qaranka England.

Su’aalo badan oo laacibkan ku saabsan ayaa laga raadiyey ‘Google’, balse waxa aanu maanta halkan kuugu soo gudbin siddeed arrimood oo laga yaabo in aanad ka ogeyn laacibkan xataa haddii aad ku jirtay dadkii xogtiisa ka raadinayay Google.

Waa kuwan siddeedda arrimood

1. Mushaharka Kobbie Mainoo

Xiddigan da’da yar ee khadka dhexe, waxa uu ku tirsan yahay kooxda da’yarta Manchester United, walina kooxda koowaad si rasmi ah ugama aanu mid noqon. Sida ku cad heshiiskiisa, Kobbie Mainoo waxa uu toddobaadkii mushahar uga qaataa Manchester United lacag dhan £10,000 Gini.

2. Rikoodhkiisa xulka England

Kobbie Mainoo waxa uu u ciyaaray xulka qaranka England ee heerarkiisa kala duwan, balse waligii uma aanu dheelin xulka koowaad. March 22, 2023 ayuu u ciyaaray xulka U19 ee England, iyadoo ay da’diisu tahay 17  sannadood, 11 bilood iyo 3 maalmood, waxaana uu u dheelay lix ciyaarood.

Xulka England ee U18 iyo U17 ayaa uu sidoo kale u saftay waqtiyadii ay da’diisu ahayd 17 jirka iyo 16 jirka.

3. Waxa uu u ciyaari karayaa xulka Ghana

Inkasta oo uu usoo dheelay da’yarta xulka qaranka England, haddana waxa uu sharcigu u ogolaanayaa inuu u ciyaaro xulka qaranka Ghana, sababtoo ah waxa uu dalkaas ku leeyahay xidid tafiireed maadaama ay waalidkii ka yimaaddeen halkaas.

Tababare Gareth Southgate ayaa la sheegay inuu la kulmayo laacibkan oo uu isku dayi doono inuu ku qanciyo inuu u ciyaaro xulka England, waxaase jirta cabsi ah inuu raaco raadka difaaca Brighton ee Tarqi Lamptey oo July 2022 go’aansaday inuu dalkiisa asalka ah u dheelo, sidaasna ay Ingiriisku ku lumiyeen.

4. Waxa loo qaadanayaa xulka England ee Euro 2024

Tababare Gareth Southgate ayaa la sheegay, in uu isku dayayo inuu ku qanciyo laacibkan in aanu xulka Ghana ka mid noqon tartanka qaramada Afrika ee bisha January ka furmi doona Ivory Coast, waxaana uu u ballan-qaadayaa in uu qayb ka noqon doono oo uu ku darayo liiska xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Germany bisha June.

England oo aan wax koob ah ku guuleysanin tan iyo sannadkii 1966kii oo ay qaadeen Koobka Adduunka, ayaa waxay uu tababare Southgate xulan doonaa Declan Rice, Jude Bellingham iyo Kalvin Phillips oo lama-taabtaan u ah, laakiin Mainoo ayaa sidoo kale uu u samaynayaa ballan-qaad, sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay.

5. Waxa uu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Jimmy Murphy Young Player of The Year

Xilli-ciyaareedkii hore ee 2022/23 waxa uu Kobbie Mainoo noqday hoggaamiyaha kooxda da’yarta Manchester United, waxaana uu noqday xiddigii ugu fiicnaa isaga oo ku guuleystay abaal-marinta Jimmy Murphy Young Player of The Year.

Saamaynta uu Mainoo ku lahaa kooxda da’yarta ayaa cid walba ay la socotay, waxaana ay taasi keentay in lagu maamuuso abaal-marinta ciyaartoyga ugu fiican da’yarta kooxda, ka hor intii aanu bishii January raacin raadka Marcus Rashford, Paul Scholes, iyo Ryan Giggsa ee aanu kooxda koowaad u dheelin.

6. Waxa uu ka ciyaari jiray weerarka

Ka hor intii aanu noqonin kubbad-sameeye ay isku raacsan yihiin tababareyaasha da’yarta Manchester United, waxa uu ka ciyaari jiray afka hore ee weerarka, gaar ahaan markii ay da’diisu ahayd 15 jir iyo ka yar.

Laakiin tababareyaasha Manchester United ayaa ka beddelay booska oo ku qanciyey in booska uu ugu fiican yahay ay tahay inuu ka dheelo khadka dhexe.

7. Waxa uu hormood u ahaa da’yartii Man United ee 2021/22 ku guuleysatay FA Cup

Xilli-ciyaareedkii 2021/22, Kobbie Mainoo waxa uu hormood u ahaa ciyaartoyda da’yarta Manchester United ee ku guuleystay tartanka FA Cup ee da’yarta Ingiriiska.

Ciyaartii ugu dambaysay ee Finalka oo ay iskugu yimaaddeen Everton, waxa uu dhaliyey laba gool, halka afar dhamaadkiina ay kusoo durduriyeen Reading oo uu gool qurux badan ka dhaliyey Mainoo.

8. Waxa lala xidhiidhiyey Man City oo isku dayday inay ka afduubato Man United

Manchester United ayaa ka badbaadday afduub ay isku dayday Manchester City inay kaga qaadato Kobbie Mainoo isla markii ay arkeen kartidiisa isaga oo ku jiray da’ytarta kooxda.

Masuul ka tirsan Man City ayaa warbaahinta u sheegay sidan: “Mainoo waxa uu u egyahay nooca ciyaartoy ee Manchester City. Waan daawaday, waxaana markiiba niyaddayda kusoo dhacay ereyadan, ‘Kaasi waa nooca ciyaartoyda ee uu doonayo Pep Guardiola. Waa nooca uu jecel yahay inay khadkiisa dhexe noqdaan, waxa uu samaynayaa waxa uu doonayo inay khadkiisa dhexe sameeyaan.”

Halyeygii hore ee Manchester United ee Gary Neville ayaa isaguna ammaanta ka xajisan waayey Mainoo kaddib ciyaartii Everton, waxaana uu ku tilmaamay laacib ku habboon in uu si joogto ah ugu ciyaaro Manchester United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*