Mohamed Salah Oo Magacaabay Difaacii Ugu Adkaa Ee Uu La Kulmay Intii Uu Ciyaaraha Ku Jiray


Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa magacaabay difaacii ugu adkaa ee uu ka hor tegay intii uu joogay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaas oo madax-xanuun ku riday isla markaana ka joojiyey kubbado badan oo uu ka dhalin lahaa kooxdiisa haddii aanu isagu joogi lahayn.

Mohamed Salah oo Liverpool ay kasoo iibsatay AS Roma sannadkii 2017, ayaa waxa uu ka mid noqday dhaliyeyaasha ugu wanaagsan Premier League tan iyo waqtigaas, waxaana uu isku darsadaa dhalin iyo caawimo.

Lixdii sannadood ee uu joogay Anfield, waxa uu ka hor tegay difaacyahanno cajiib ahaa oo u dheelayay kooxo si fiican u dhisan, sida Manchester City, Chelsea, Arsenal, Manchester United iyo Tottenham, balse waxa isaga aan xasuustiisa ka go’in difaac hadda ka guuray waddanka Ingiriiska.

31 jirkan oo waraysi siiyey telefishanka Sky Sports, ayaa la weydiiyey difaacii ugu adkaa ee uu ka hor tegay intii uu joogay horyaalka Premier League, waxaana uu markiiba lasoo booday kabtankii hore ee Chelsea ee Cesar Azpilicueta.

Mohamed Salah waxa uu sheegay, in Cesar Azpilicuetta uu ahaa difaaca bidix ee uu adkaa ee uu ka hor tegay, iyadoo Chelsea ay marar badan u calaamadiyeen Azpilicueta inuu si gaar ah u raaco Salah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*