Fabio Cannavaro Oo Ka Adkaysan Waayey Xaaladda Uu Ku Jiro Difaaca Real Madrid Ee David Alaba


Halyeygii difaaca xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxaha Real Madrid, Juventus, Inter Milan iyo Napoli ee Fabio Cannavaro ayaa ka adkaysan kari waayey xaaladda uu ku jiro David Alaba oo lagu canaanayo bandhig liita oo uu ka samaynayo kooxdiisa Real Madrid xilli-ciyaareedkan.

Fabio Cannavaro oo Real Madrid u ciyaaray intii u dhaxaysay 2006 illaa 2009, kulana guuleystay laba horyaal oo LaLiga ah, sidoo kalena ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or isaga oo jooga Real Madrid ayaa waxa wax laga weydiiyey hoos u dhaca ku yimid David Alaba iyo canaanta ku socota.

Cannavaro oo hadda ah tababaraha kooxda Benevento ee horyaalka Talyaaniga oo waraysi siiyey wargeyska AS ayaa yidhi: “Marka aad joogto Real Madrid waad dhibaatoonaysaa in badan [canaanta warbaahinta], laakiin anigu waan jecelahay dhamaantood sababtoo ah ciyaartoyda halkaasina waa kuwo orodkoodu badan yahay oo iyaguna garanaya sida ay kuu dhibayaan. Waxa haleelay dhaawacyo, laakiin marka aad siguud u eegto, Real Madrid way fiican tahay waqtigan.”

Fabio Cannavaro oo kasii hadlayay xaaladda Alaba waxa uu intaa ku daray: “Way dhici kartaa mararka qaarkood in aad dhibaatooto oo ay ciyaartaadu hoos u dhacdo, anigaba dhawr bilood ayay igu dhacday markii aan joogay, laakiin waxa aan dib u helay adkaysi iyo in aan mar kale naftayda sare usoo qaado.

“Inta badan waxay arrintani dhacdaa marka aad timaaddo Madrid ee aad ku cusub tahay, sababtoo ah difaacyahannada uma fududa. Waxa aad daboolaysaa dhul badan, haddii aanu cadaadis badan ka jirin khadka dhexe, haddii aanu cadaadis wanaagsan ka jirin weerarka, weerarro degdeg ah oo lagu soo qaado ayaa saamayn karaya difaacyahannada. Marar badan, difaacyahannadu cagta ayay cagta u saaraan weeraryahannada, markaa, Alaba waa in uu mar kale sare isku soo qaado.”

Fabio Cannavaro ayaa ugu dambayntii amaanay shaqadii ay Real Madrid u qabteen Pepe iyo Sergio Ramos oo muddo dheer iska soo garab ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*