Erik ten Hag Oo Ka Caydhinaya Manchester United Labada Saxeex Ee Sofyan Amrabat Iyo Mason Mount + AFARTA Uu La Saxeexanayo


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la saxeexanaysa afar ciyaartoy oo cusub suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January ee foodda innagu soo haya, waxaana Erik ten Hag loo dhiibi doonaa lacag kaash ah oo uu kusoo xero-geliyo xiddigaha uu u baahanyahay.

Manchester United oo shan jeer guuleysatay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, ayaa waxa ay Axaddii 3-0 kusoo kaarajisay Everton oo ay ku booqatay Goodison Park, waxaanay soo gashay kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta iyagoo lix dhibcood ka dambeeya kaalinta koowaad ee ay Arsenal fadhido.

Sidaas oo ay tahay, waxa uu walaac adan ka jiraa Old Trafford maadaama 13 ciyaarood oo horyaalka ah laga badiyey shan ka mid ah, waxaana ay maamulku arkayaan in ay jirto hubanti la’aan badan oo la xidhiidha booska ay kooxdu ku dhamaysan karayso.

Waxa kale oo walaacooda sii kordhiyey tartanka Champions League oo afar kulan oo ay ciyaareen laga badiyey saddex ka mid ah, isla markaana ay kaalinta ugu hoosaysa kaga jiraan Group-kooda.

Sida uu qoray wargeyska The Guardian, Ten Hag ayaa hadda ka fiirsanaya inuu sameeyo isbeddello kooxdiisa ah, waxaana uu maamulka ka sugayaa in ay gacanta ka saaraan lacag uu kusoo iibsado afar ciyaartoy.

Ten Hag ayaa doonaya kubbad-burburiye dabiici ah, difaac dhexe oo midigle ah, No.8 iyo weeraryahan, waxaana uu rumaysan yahay in haddii uu afartaa boos iska dhiso, in ay kooxdu tartami doonto.

Warka ayaa intaa ku daray, in Erik ten Hag uu ka niyad-jabay Sofyan Amrabat oo xagaagii ay amaah kaga soo qaateen Fiorentina iyo Mason Mount oo ay £60 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Chelsea.

Amrabat ayay u badan tahay in dib loogu celin doono Fiorentina oo aanay Manchester United dhaqangelin doonin qodob u ogolaanayay inay si rasmi ah u iibsato.

Ciyaartoyda calaamadsan ee uu Ten Hag doonayo, ayaa lagu sheegay Jean-Clair Todibo oo difaaca uga ciyaara Nice, laakiin ay kula tartamayaan Tottenham iyo Liverpool, Youssouf Fofana oo u ciyaara Monaco, Timo Werner oo u dheela RB Leipzig, horena ugu ciyaari jiray Chelsea iyo Antonio Silva oo u dheela Benfica.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*