CIQAAB: Garsoorihii Hayey Ciyaartii Xalay Ee PSG vs Newcastle Oo Shaqada Laga Caydhiyey


Garsoorihii VAR ee xalay go’aamiyey in PSG loo dhigo rikoodhe waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaartii ay barbarraha 1-1 ah la galeen Newcastle United ayaa laga saaray liiska garsooreyaasha kulamada caawa oo uu hore ugu qornaa.

Tomasz Kwiatkowski oo u dhashayw addanka Poland ayaa ahaa garsoorihii VAR ee ciyaartii Parc des Princes, waxaana uu go’aamiyey in rikoodhe loo dhigo PSG kaddib markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday difaaca Tino Livramento.

Kylian Mbappe ayaa gool u beddelay rikoodhahaas daqiiqaddii 98aad, waxaanay ahayd daqiiqaddii ugu dambaysay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta ahaa iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay barbarro.

Garsooraha dhexe ee ciyaarta ee Szymon Marciniak ayaa diiday inuu rikoodhe siiyo PSG, maadaama uu leeyahay khibrad badan oo uu ahaa garsoorihii hayay finalkii Koobka Adduunka ee Argentina iyo France, balse waxa lasoo hadlay Tomasz Kwiatkowski  oo u sheegay in uu rikoodhe dhigo, markii ay isla hubiyeenna waxa ay qaateen in PSG la siiyo gool ku laad.

Tomasz Kwiatkowski ayaa hore loogu magacaabay inuu qabto ciyaarta caawa ee Real Sociedad iyo RB Salzburg, laakiin waxa la go’aamiyey in laga ganaaxo oo laga beddelo ciyaartaas maadaama uu sameeyey qalad xun oo dilaa ah.

Kubadda gacanta kaga dhacday ayaa uu sharciga cusub ee kubadda cagtu dhigayaa, waxaana arrintan dacwad ka gudbisay Newcastle United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*