Liverpool, Man United & Spurs Oo Ku Dagaallamaya Xiddigii Ka Baxsaday Barcelona, Ramsdale Oo Ka Tegaya Arsenal, Saxeexyada Cusub Ee Man United Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Chelsea ayaa go’aansatay in ay iska diiddo dalab uga yimid Fulham oo lagaga doonayo weeraryahanka reer Albania ee Armando Broja oo 22 jir ah, kaas oo ay kooxda reer London doonayso inay la saxeexato bisha January. (Evening Standard)

Arsenal waxay doonaysaa inay u ogolaato goolhayaha reer England ee Aaron Ramsdale inuu iska tago dhamaadka xilli-ciyaareedkan, balse bisha January waxa ka xidhan albaabada bixitaanka. (90 min)

Khadka dhexe ee Netherlands ee Donny van de Beek oo 26 jir ah, waxa uu sheegay in bisha January uu ka tegi doono Manchester United haddii aanu kusoo bilaabanin kulamada kooxdiisa. (Sky Sports)

Manchester United ayaa rajaynaysa inay afar boos iska xoojiso suuqa bisha January, waxaana ka mid ah kubbad burburiye maadaama ay saluugeen Sofyan Amrabat (Guardian)

Tottenham ayaa isku diyaarinaysa dagaal ay kula gasho Manchester United iyo Liverpool saxeexa 23 jirka difaaca dhexe uga ciyaara xulka France iyo Nice ee Jean-Clair Todibo oo hore ugu ciyaari jiray Barcelona. (Evening Standard)

Everton waxay dib u dhigtay wada-hadallo u socday tababare Sean Dyche oo qandaraaskiisa lagu kordhin lahaa, sababtoo ah waxa mustaqbalka kooxda murug geliyey toban dhibcood oo laga jaray. (Mail)

Tottenham waxay doonaysaa inay la saxeexato garabka weerarka reer Portugal ee Jota oo 24 jir ah, kaas oo ay qorshaynayaan inay amaah kaga soo qaataan Al-Ittihad. (Times)

Paris Saint-Germain waxay go’aan ku gaadhay in bisha January ay iibiso Hugo Ekitike oo ay doonayaan kooxaha Newcastle, West Ham iyo Crystal Palace. (Sun)

Difaaca reer France ee Raphael Varane oo 30 jir ah iyo khadka dhexe ee England ee Mason Mount oo 24 jir ah, waxay ku jiraan liiska ciyaartoyda halista ugu jira in laga diro Manchester United. (Guardian)

Bayern Munich waxay fiirinaysaa suurtogalnimada ay ku heli karayso difaaca Manchester United ee Raphael Varane. (Sky Sports)

Weeraryahanka reer Ukraine ee Mykhailo Mudryk oo 22 jir ah, waxa uu doonayaa in kooxdiisu ay la saxeexato saaxiibkiisii hore ee Shakhtar Donetsk ee Georgiy Sudakov oo 21 jir ah bisha January, waxaana uu u arkaa mid wax badan kusoo kordhin kara Stamford Bridge. (Gazzetta dello Sport)

Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo 27 jir ah oo hore ugu fashilmay Chelsea, ayaa la sheegay inay doonayso Manchester United suuqa bisha January. (Metro)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*