Mikel Arteta Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Arsenal Ee Kulanka Champions League Ee Caawa


Mikel Arteta ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka caawa ay garoonka Emirates Stadium ku qaabbilayaan RC Lens oo ay doonayaan inay ka aargoostaan maadaama ay kooxda reer France hore ugaga soo adkaaday kulankoodii hore.

Arsenal ayaa waxa dib ugu soo laabtay Gabriel Jesus iyo Martin Odegaard oo kusoo bilowday ciyaartii Brentford ee Sabtidii, sidoo kalena Kai Havertz oo ahaa laacibkii kooxdiisa u go’aamiyey guushii ay hoggaanka kula wareegeen iyo Declan Rice ayaa iyaguna ku jira liiska, halka Leandro Trossard oo khad dhexe illaa weerar ah, Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka ay iyaguna ku jiraan liiska, taas oo ka dhigan in Mikel Arteta uu haysto ciyaartooyo badan oo uu akal doorto.

Takehiro Tomiyasu oo laga doorbiday Ben White Sabtidii, ayaa rajaynaya in uu dib u xoogsan doono booskiisa sidoo kalena goolhaye David Raya oo loo diiday inuu ka hor tago kooxdiisa Brentford ee uu amaahda kaga yimid ayaa kusoo laabtay liiska Gunners, balse Fabio Vieira ayaa dhaawac ah oo muddo jiifaya, waxaana maqaneyaal kula qoran Jurriem Timber, Emile Smith Rowe iyo Thomas Partey oo iyaguna dhaawacyo ah.

Halkan kaga bogo 21ka ciyaartoy ee Mikel Arteta uu usoo xushay kulanka RC Lens

Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, David Raya, Karl Hein.

Difaacyahanno: Cedric Soares, Takehiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko, Ben White, Gabriel Magalhaes, Jakub Kiwior, William Saliba

Khadka Dhexe: Mohamed Elneny, Jorginho, Declan Rice, Martin Odegaard, Kai Havertz.

Weerarka: Gabriel Jesus, Leandro Trossard, Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Reiss Nelson, Eddie Nketiah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*