Barcelona Iyo Dortmund Oo Soo Gudbay, Mbappe Oo La Baxsaday PSG, Libintii City Ee Waqtiga Dambe Iyo Natiijooyinka Kulamadii Champions League Ee Caawa


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa usoo gudubtay wareegga 16ka tartanka Chamions League, kaddib guul soo laabasho ah oo ay ka gaadhay FC Porto oo gool kala hormartay, laakiin ay ka daba keeneen laba gool oo kale.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen xiddigaha reer Portugal ee Joao Felix iyo Joao Cancelo ayaa Barcelona u dhaliyey labada gool ee sababta u noqday inay usoo gudbaan wareegga 16ka, iyadoo booska kaalinta labaad ee Group H ay ciyaarta ugu dambaysa ku dagaallami doonaan FC Porto iyo Shakhtar Donetsk.

Farxadda ugu badan ee caawa waxa ay usoo hoyatay Borussia Dortmund oo kasoo baxday Group-ka dhimashada ee F, kaddib markii ay 3-1 kusoo xasuuqeen AC Milan oo ay ku booqdeen garoonka San Siro Stadium.

Ciyaar xamaarsaddeedu sarraysay oo ay Milan iyo Dortmund isku farosaareen ayaa waxa Milan ay iska lumisay rikoodhe daqiiqadihii ugu horreeyey, hase yeeshee Dortmund ayaa iyaduna ka faa’iidaysatay rikoodhe loo dhigay, ka hor intii aanay kooxda Talyaanigu keenin goolka barbarraha qaybta horeba.

Borussia Dortmund oo ka ordaysay kooxaha kale ee ay isku group-ka yihiin ee PSG iyo Newcastle United, ayaa laba gool keentay qaybtii labaad, waxaanay durduro ugu soo gudubtay wareegga 16ka.

Kulanka sida weyn indhaha loogu hayay waxa uu ahaa PSG oo daqiiqaddii ugu dambaysay rikoodhe ku barbarraysay Newcastle United kulan ka dhacay Parc des Princes.

Alexander Isak ayaa hoggaanka u dhiibay Newcastle United oo marti ahayd qaybtii hore, laakiin PSG oo si adag u dagaallantay ayaa ugu dambayntii uu nasiibku caawiyey dhamaadkii waqtiga dheeraadka ahaa oo rikoodhe looga soo daawaday VAR loo dhigay, kaas oo uu gool u beddelay Kylian Mbappe oo fursado badan khasaariyey caawa.

Ciyaarta ugu dambaysa ee Group-kan ayaa waxa ay go’aamin doontaa kooxda soo raacaysa Borussia Dortmund, sababtoo ah AC Milan iyo Newcastle oo min shan dhibcood haysta ayaa wada ciyaari doona, waxaana midkooda badiya uu tegi doonaa siddeed dhibcood, halka PSG oo 7 dhibcood haysata ay la ciyaari doonto Borussia Dortmund, waxaanay u baahan yihiin inay badiyaan, si ay uga badbaadaan in ay daafto midkooda soo guuleysata Newcastle iyo AC Milan.

Waxa kale oo wareega 16ka usoo gudbay Atletico Madrid iyo Lazio oo kasoo baxay Group E, hase yeeshee natiijada cajiibka ah ayaa waxay ahayd guul soo laabasho ah oo ay Manchester City ka gaadhay RB Leipzig oo qaybtii hore ku lahayd 2-0, laakiin markii lagu soo noqday qaybta labaad ay Man City keentay 3 gool, sidaana ugu badisay 3-2, laakiin labadooduba waa ay usoo baxeen wareegga 16ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*