Alisson Becker, Diogo Jota Illaa Thiago – 3da Aan La Garanayn Waqtiga Ay Soo Noqonayaan, Kuwa Sannadka Dambe Imanaya Iyo Xogta Xiddigaha Ka Dhaawacan Liverpool


Jurgen Klopp ayaa ka naxay dhaawacyo toddobaadkan soo gaadhay Diogo Jota iyo Alisson Becker oo labaduba muruqa kaga dhaawacmay ciyaartii Manchester City ee Sabtidii, waxaana ay sii kordhiyeen liiska ciyaartoyda ka dhaawacan Reds.

Jota ayaa lagu beddelay Luis Diaz waxyar markii ay socotay qaybta labaad ee ciyaartu, halka Alisson uu u baahday in daaweyn loo sameeyo dhamaadkii ciyaarta si uu usii wadan karo daqiiqado kooban oo hadhsanaa.

Waxa ay liiska dhaawacyada kula biireen xiddigo kale oo muhiim ah oo hore Liverpool uga maqnaa, sida Stefan Bajcetic, Andy Robertson iyo Thiago Alcantara.

Ciyaartoydan ayaa waqtiga ay maqnaanayaan ay kala duwan yihiin, waxaana jira kuwo aan illaa hadda la garanayn waqtiga ay soo laabanayaan, halka Thiago Alcantara uu kusii dhowaanayo inuu u buuxsamo sannad uu garoomada ka maqan yahay, maadaama ay bishii April ee sannadkan horraantiisii ugu dambeyey.

Wargeyska Liverpool Echo ayaa sheegay, in aan la garanayn waqtiga ay garoomada kusoo laabanayaan Alisson Becker iyo Diogo Jota, waxaana la sugayaa inta ay kooxdu warbixin rasmi ah kasoo saarayso. Waxa kale oo aan la garanayn waqtiga uu soo laabanayo da’yarka khadka dhexe ee Stefan Bajcetic oo illaa hadda la dhibaatoonaya dhaawac soo gaadhay xilli-ciyaareedkii hore oo uu kasoo kacay, kaddibna uu si degdeg ugu laabtay.

Xogta xiddigaha ka dhaawacan Liverpool

Alisson Becker: Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo

Diogo Jota: Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo

Andy Robertson –  January 2023

Thiago Alcantara: January 2023

Stefan Bajcetic: Lama garanayo waqtiga uu soo noqonayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*