RASMI: Xiddigaha Manchester United Ee Kulanka Guul Ama Geeri Ee Galatasaray Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Xiddigaha Ka Maqan


Manchester United ayaa dib u heshay weeraryahannada Rasmus Hojlund iyo Antony oo kasoo laabtay dhaawacyo, ka hor ciyaarta muhiimka ah ee guul ama geeri ee tartanka Champions League ee ay Arbacada martida ugu noqonayaan Galatasaray.

Red Devils ayaa waxa ay u baahan tahay inay guuleysato si ay usoo noolayso rajadeeda ah inay u gudubto wareegga 16ka Champions League, laakiin haddii laga badiyo oo ay guushu raacdo Galatasaray, waxa ay si buuxda uga hadhi doonaan tartanka sababtoo ah waxa ay afar dhibcood ka dambayn doonaan Galatasaray iyadoo hal kulan oo kali ahi hadhsan yahay.

Ten Hag oo ay kooxdiisu u safrayso magaalada Istanbul ee waddanka Turkey ayaa sheegay inay usoo laabteen Hojlund oo dhaawac ku seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey iyo kulamadii caalamiga ahaa ee xulka Denmark ee bisha November iyo Antony oo ka maqnaa kulankii Everton.

Labadooduba waxa ay qayb ka noqdeen ciyaartoyda u safraysa Turkey, waxaana sidoo kale lagu soo daray kooxda da’yarka khadka dhexe ee Kobbie Mainoo oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii Everton.

Group-ka A ee tartanka Champions League, waxa mar horeba soo baxday Bayern Munich oo yeelatay 12 dhibcood, kana badisay dhamaan kooxaha kale, halka FC Copenhagen iyo Galatasay ay min afar dhibcood haystaan iyadoo Man United hal dhibic kaliya haysata.

Ciyaarta ugu dambaysa ayay Manchester United garoonka Old Trafford kusoo dhoweyn doontaa Bayern Munich, waxaanay u baahan yihiin in ka hor ay kasii adkaadaan Galatasaray oo ay waliba goolal badan ka dhaliyaan.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka Galatasaray

Goolhayeyaal: Altay Bayindir, Tom Heaton, Andre Onana

Difaacyahanno: Diogo Dalot, Victor Lindelof, Harry Maguire, Sergio Reguilon, Luke Shaw, Raphael Varane, Aaron Wan-Bissaka

Khadka Dhexe Sofyan Amrabat, Bruno Fernandes, Dan Gore, Hannibal, Kobbie Mainoo, Scott McTominay

Weeraryahanno: Antony, Alejandro Garnacho, Rasmus Hojlund, Joe Hugill, Anthony Martial, Facundo Pellistri

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*