Carlo Ancelotti Oo Shaaciyey Sababtii Uu U Diiday Inuu Tababare U Noqdo Manchester United


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa daboolka ka qaaday dalab uu ka helay Manchester United oo uu iska diiday, waxaana uu sharraxay sababta rasmiga ah ee uu uga gaabsaday inuu tago Old Trafford.

Toddobaadkan, warar ay warbaahintu isla dhaxmartay ayaa sheegayey in Carlo Ancelotti uu dalab ka helay koox horyaalka Premier League ah oo aan magaceeda la shaacin oo ay suurtogal inuu tegi doono xilli-ciyaareedka dambe.

Sida uu sheegay wariyaha reer Spain ee Juama Castano, Manchester United ayaa hore ula xidhiidhay Carlo Ancelotti oo isku dayday inuu la wareego markii uu shaqada ka tegay Sir Alex Ferguson sannadkii 2013 ee uu hawlgabka noqday.

Carlo Ancelotti oo ka la weydiiyey waxa ka jira warkan ayaa yidhi: “Ma aniga ayaad iga doonaysaan in aad iga ogaataan arrimaha Manchester United? Waxa aan idiin sheegayaa in aan wali xidhiidh heersare ah la leeyahay Sir Alex, waananu kulanay markii uu go’aansaday inuu ka fadhiisto shaqada.

“Laakiin anigu markaa waxa aan u dhowaa inaan tago Real Madrid, markaa waan qiimaynayaa xaqiiqada ah in aanu wada-hadanay waqtigaas, mana jirin fursad kale oo aan ku noqon karayay tababaraha Man United.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*