Dagaalkii Waalidka Ee Carruurta Usii Gudbay!! Maxay Ciyaarta Real Madrid vs Napoli Xiise Gaar Ah Ugu Leedahay Diego Simeone Iyo Zinedine Zidane?


Habeen dambe oo Arbaco ah, waxa garoonka Santiago Bernabeu ku ballansan Real Madrid iyo Napoli oo foodda isku dari doona kulan xiise gaar ah ay u samaynayaan Zinedine Zidane iyo Diego Simeone oo aanu midkoodna joogin labadan kooxood.

Dagaal tobannaan sannadood ka hor ay gacmaha iskula tegi jireen Zidane iyo Simeone oo kusoo xafiiltamay horyaalka waddanka Talyaaniga iyaga oo u kala ciyaaray kooxaha Juventus oo uu Zidane u dheeli jiray ka hor intii aanu tegin Real Madrid iyo Simeone oo u wada dheelay Inter Milan iyo Lazio, ayaa waxa ka dhaxaysay colaad guun ah iyo dagaal ay mararka qaarkood gacmaha iskula tegi jireen.

Xafiiltankoodii oo markii dambe usoo guuray horyaalka LaLiga, waxa Arbacada dhaxlaya oo halkooda kasii amboqaadaya carruurtoodii oo kala metelaya Real Madrid iyo Napoli.

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa liiska ciyaartoydiisa kulanka Napoli waxa uu ugu yeedhay xiddiga da’da yar ee Theo Zidane, sidoo kalena Napoli ayaa waxa ku jira Gio Simeone oo kooxda koowaad ka tirsan.

Theo Zidane oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda da’yarta Real Madrid, da’diisuna tahay 21 jir ayaa uu beddelay Luka Modric oo dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay kulankii Cadiz kaga maqnaanaya ciyaartah.

Gio Simeone oo isaguna ah curadka Diego Simeone oo ah 28 jir weerarka uga ciyaara Napoli ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhiirigelin iyo xiise gaar ah u leedahay inuu ka hor tago Real Madrid oo waliba ku ciyaaraysa Santiago Bernabeu, sababtana waxa uu ku sheegay in kooxdan ay xafiiltamaan aabbihii.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa waxa ay sheegtay, in haddii uu Ancelotti fursad siiyo Theo Zidane, sidoo kalena uu ciyaaro Gio Simeone, in ay ciyaartani noqonayso xafiiltankii aabbeyaasha oo ay carruurtu halkiisa kasii bilaabeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*