DEG-DEG: Sharci Cusub Oo LAYAABLEH Oo Lagu Soo Kordhiyey Horyaalka Premier League


Sharci cusub oo aan hore ugu jirin kubadda cagta ayaa lagu soo kordhiyey, kaas oo ay soo meel-mariyeen sharci-sameeyeyaasha IFAB ee dejiya shuruucda kubadda cagta.

Garsooreyaasha ayaa loo ogolaanayaa inay ciyaartoyga muddo kooban garoonka ka saari karaan oo ay dibedda dhigaan marka ay sameeyaal qaladaad, kaddibna uu ciyaartoygu dib ugu soo laabto garoonka iyadoo kooxdiisuna muddadaas uu ciyaartoy ka dhinnaanayo.

Sharciga cusub ee ay meel-mariyeen sharci-sameeyeyaasha kubadda cagta ee International Football Association Board (IFAB), waxa uu soo kordhiyey kaadh cusub oo liimi (Orange card) ah oo ciyaartoyga la siinayo marka uu ku kaco qalad xun balse aan gaadhsiisnayn heer si rasmi ah ciyaarta loogaga saaro oo casaan ah.

Ciyaartoyga la siiyo kaadhkan ayaa waxa uu kursiga kaydka fadhiisan doonaa muddo 10 daqiiqadood ah iyadoo aanay kooxdiisuna awoodayn inay beddelkiisa soo geliso.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lagu tijaabin doonaa xilli-ciyaareedka dambe, waxaana haddii ay kooxaha, garsooreyaasha iyo jamaahiirtu ay soo dhoweeyaan uu noqon doonaa mid si rasmi ah loo meel mariyo, laakiin marka hore waxa la hubinayaa sida loo dhaqan-gelin karayo sharcigan iyo nooca ay yihiin ciyaartoyda kaadhkan lagaga saarayo ciyaarta ee tobanka daqiiqadood dibedda fadhiyaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*