Reece James Oo Caawimo Ka Dalbaday Kabtanka Ugu Caqliga Badan Ciyaaraha – Halkee Ayuu Joogaa Kabtankani?


Kabtanka koxoda kubadda cagta Chelsea ee Reece James ayaa u duulay magaalada Paris ee caasimadda waddanka Faransiiska si uu usoo helo waano iyo talooyin ka caawiya in uu noqdo kabtan wanaagsan, taas oo uu ka doontay laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka Rugby-da ee Siya Kolisi.

Reece James ooi ay da’diisu tahay 23 jir ayaa si rasmi ah loogu magacaabay kabtanka Chelsea xagaagii, waxaana go’aankaas qaatay tababare Mauricio Pochettino, taas oo ka cadhaysiisay Thiago Silva oo ah hoggaamiyaha ruuxia ah ee kooxda iyo laacibka koobabka badan ku guuleystay ee Raheem Sterling.

James ayaan noqonin kabtankii laga filayay, waxaana uu illaa hadda u saftay Chelsea lix ciyaarood oo Premier League ah oo kaliya, isaga oo muddo u jiifay dhaawac muruqa ahaa oo soo gaadhay ciyaartii lagu furay horyaalka bishii August.

Waxa uu dib ugu soo labatay shaxda koowaad ee kooxda kulankii Brighton, laakiin waxa ugu xigtay Sabtidii oo isaga oo garoonka dhax-taagan naadigiisa ay Newcastle ku xasuuqday 4-1, taas oo isaguna uu qaatay casaan.

Canaan badan ayaa loo jeediyey Reece James, waxaanay taageereyaasha qaarkood u arkaan ciyaartoy ay la socoto guul-darradu, waxaanay taasi keentay inuu u duulo magaalada Paris ee waddanka Faransiiska toddobaadkan, waxaana uu kula kulmayaa Kolisi oo ah kabtanka xulka qaranka Rugby-da ee waddanka Koonfur Afrika oo markii labaad oo xidhiidh ah uu dalkiisu ku guuleystay Koobka Adduunka Rugby-da, iyagoo bishii hore finalka ku garaacay New Zealand.

James ayaa sheegay inuu la hadlay Kolisi oo u ciyaara kooxda reer France ee Racing 92, si uu uga helo khibrad la xidhiidha kabtannimada iyo sidii uu u hoggaamin lahaa Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, Kolisi ayaa lagu tilmaamaa kabtanka ugu caqliga badan ciyaaraha oo dhan, waxaana uu tusaale iyo halbeeg u noqday qof kasta oo kubadda ciyaaraha amaba xataa ciyaaraha kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*