Difaaca dhexe ee Arsenal ee William Saliba ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Telefoot waxa uu ku sheegay, in kooxdiisa ay nasiib-darro ku dhacday xilli-ciyaareedkii hore, isla markaana ay horyaalka qaadi lahaayeen haddii aanay ku habsan lahayn musiibada dhaawacyadu.
William Saliba oo 22 jir ah, ayaa Arsenal dib ugu soo laabtay xagaagii sannadkii hore, waxaana uu laf-dhabar u noqday kooxdiisa, laakiin waqti dambe ayuu dhaawacmay waxaanay taasi keentay in Gunners ay waydo cid u beddesha, taasna guul-darrooyin xidhiidh ah ay kula kulmeen.
Manchester City oo sagaal dhibcood ka hoosaysay ayaa si weyn usoo dallacday oo dhaaftay shan dhibcood, isla markaana ku guuleysatay horyaalka, iyadoo sidaas ay kusoo afjarantay riyadii Gunners ee ahayd inay ku guuleystaan horyaalka oo ay ugu dambaysay 2004.
Saliba oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii Arsenal ay awoodi karaysay inay ku guuleysato horyaalka, haddii aanu isagu dhaawacmi lahayn, ayaa yidhi: “Haa, anigu waan ku kalsoonahay in aanu ku guuleysan lahayn horyaalka haddii aan taam ahaan lahaa, Arsenal ayaa noqon lahayd horyaalka, laakiin dhaawacyadu waa qayb ka mid ah kubadda cagta.”
Difaaca reer France oo ay musiibo ku noqotay ciyaar ka tirsanayd Europa League oo ay wareegga 16ka isku dhaceen Sporting Lisbon oo waliba ku reebtay marxaladdaas, ayaa waxa kale oo uu sharraxay filashadiisa xilli-ciyaareedkan, waxaanu yidhi: “Sannadkii hore, waxa aan soo qaatay xilli-ciyaareed wanaagsan, laakiin nasiib-darro dhaawac ayaa isagoo gaadhay dhamaadkii xilli-ciayareedka.
“Hadda waxa bilowday xilli-ciyaareed cusub, tartan cusub iyo hammi cusub, waxaanan rajaynayaa in aanu ka fiicnaan doono sidii sannadkii hore.”
Be the first to comment