Lionel Messi Oo Xidhiidhka U Jaray Alejandro Garnacho Iyo Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Noqday


Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa xidhiidhka u jaray dheemanka Man United ee Alejandro Garnacho kaddib markii uu da’yarkani Axaddii dhaliyey gool qurux badan kulankii ay Red Devils 3-0 kusoo karbaashtay Everton.

Alejandro Garnacho ayaa goolka uu dhaliyey waxa la barbar-dhigay inuu la midyahay goolkii uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyey Juventus finalkii Champions League ee 2017/18.

19 jirkan ayaa saxaafadda u sheegay in goolkiisu uu yahay midkii Cristiano Ronaldo, waxaana uu xiddiga reer Portugal ku tilmaamay inuu yahay ciyaartoyga uu ku daydo ee uu taageeraha u yahay, isla markaana doonayo inuu sidiisa oo kale u ciyaaro.

Waxa kale oo arrinta sii murgiyey oo kasii cadhaysiiyey Lionel Messi, in Alejandro Garnacho uu kulankii Axaddii ee Everton ku ciyaaray kabaha ay shirkadda NIKE sida gaarka ah ugu naqshadaysay Cristiano Ronaldo ee Vapor 15 Mercurial Dream Speed, kuwaas oo Isniintii uu siiyey taageere da’yar ah oo dariiqa u istaagay.

Kaddib dhacdooyinkan, Lionel Messi ayaa xidhiidhka u jaray Alejandro Garnacho, waxaaa uu kala laabtay saaxiibtinimadii baraha bulshada, sida uu sheegay Rio Ferdinand oo ka hadlayay bartiisa YouTube, waxaana uu xusay in uu Lionel Messi ka cadhooday sida uu da’yarkani iskugu dhedhejinayo Cristiano Ronaldo oo uu fagaareyaasha uga amaanayo.

Alejandro Garnacho ayaan lagu soo darin ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka xulka qaranka Argentina ee bishii November, waxaana uu tababare Lionel Scaloni ku sheegay sababta in aanu da’yarkani si joogto ah ugu ciyaarin Manchester United, sidaas daraadeedna uu uga reebay xulka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*