SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Premier League – Midkee Ku Guuleysanaya Arsenal, Man City mise Liverpool?


Kaddib natiijooyinkii horyaalka Premier League ee toddobaadkan oo ay hoggaanka kula wareegtay Arsenal oo ka faa’iidaysatay Man City iyo Liverpool oo isla kufay, isla markaana barbarro ku dhamaystay ciyaartoodii garoonka Etihad Stadium, ayaa waxa saadaal cusub soo saaray Supercomputer oo jamaahiirta kooxahan lasii wadaagay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League.

Toddobaadkan waxa ay farxad u ahayd taageereyaasha Arsenal, Manchester United iyo Newcastle United, laakiin waxa madaxa foorariyey jamaahiirta kooxaha murugada la deriska noqday ee Chelsea, halka Tottenham loo diiwaangeliyey rikoodh murugo leh oo ay ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah guul-darraysteen.

Liverpool iyo Manchester City waxay u muuqanayeen inay ku qanacsan yihiin natiijada ay keeneen ee barbarraha ah, laakiin tababare Pep Guardiola way ku adkayd in uu qaato in ciyaartii labaad oo xidhiidh ah ay kooxdiisu dhibco lumiso, maadaama kulankii horena ay barbarro 4-4 ah lasoo galeen Chelsea.

Supercomputer waxa uu sheegay, in isaga oo isticmaalaya qaaciidada lagu dhiso khamaarka ee BETSiE uu 100,000 jeer natiijooyinka, goolasha iyo bandhig-ciyaareedka kooxaha, kaddibna uu soo saaray saadaasha kooxda ku guuleysanaysa horyaalka.

Manchester City ayuu Supercomputer ugu bushaareeyey in markii afraad oo xidhiidh ah ay ku guuleysan doonto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo saddexdii xilli-ciyaareed ee horena ay City ku guuleysatay, waxaana ay saadaashani murugo ku tahay Arsenal oo loo sheegay in hoggaanka ay qabteen uu yahay kaliya ku-meelgaadh.

Gunners ayaa waxay ku dhamaysan doontaa kaalinta labaad halka Liverpool ay saddexaad geli doonto, iyadoo Newcastle sannadkii labaad oo xidhiidh ah kasoo qayb-geli doonto tartanka Champions League ee ay muddada 20ka sannadood ah ka maqnayd.

Heerka labaad ayay u dhacayaan Sheffield United, Burnley iyo Luton Town, laakiin waxa halis gelaysa Everton oo noqon doonta kooxda kulaalaysa dabka ee kaalinta 17aad ku dhamaysan doonta.

Saadaasha Supercomputer iyo booska ay koox walba ku dhamaysanayso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*