“Aad Ayey U Adkayd, Mana Seexanin…” – Alexis Mac Allister Oo Ka Sheekeeyey Xaaladdii Ay Ku Sugnayd Liverpool Ka Hor Ciyaartii Man City


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liveprool ee Alexis Mac Allister ayaa qirtay in aanu seexanin hurdo ku filan habeenkii ka horreysay ciyaartii Manchester City ee Sabtidii, sababtoo ah waxa uu soo galay safar dheer, dagaal adag iyo ugu dambayntii oo uu tababarka iska soo xaadiriyey si uu ciyaartan qayb uga noqdo..

24 jirkan oo xagaagii ay Liverpool kasoo iibsatay Brighton & Hove Albion ayaa ciyaaray 85 daqiiqadood ka hor intii aan lagu beddelin Wataru Endho.

Saacadihii hore ee subaxnimadii Arbacadii, Alexis Mac Allister ayaa 90 daqiiqadood usoo ciyaaray xulka qarankiisa Argentina ciyaar aad loogu dagaallamay oo ay 1-0 kaga soo badiyeen Brazil oo ka dhacday garoonka Maracana, taas oo ay ka dhasheen rabshado sababay in boolisku ay garoonka dhaxdiisa ku garaacaan taageereyaasha xulka Argentina.

Isla markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu Alexis Mac Allister  soo qaatay diyaar keentay Liveprool oo safarkeedu ahaa 10 saacadood iyo 5,000 mile, maalintii xigay oo Jimcihii ahaydna waxa uu ka qayb-galay tababarka ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool ee isku diyaarinayay kulankii Man City.

Inkasta oo uu dallanaa, Alexis Mac Allister ayaa kusoo bilowday ciyaarta, waxaana markii ay dhibcaha la qaybsadeen Man City uu u sheegay warbaahinta: “Haddii aan runta sheego, aad ayay u adkayd in aan u ciyaarro sidan oo kale. Shalay waxa aanu yeelanay shir aanu kaga hadlaynay ciyaarta Man City, waxaananu doonaynay in aanu ciyaarno, balse anigu indhaha ayaan kala xajin kari la’aa hurdo darteed.

“Aad ayay u adkayd, safar dheer oo diyaaradeed ayaan soo galay, laakiin in aan kubadda ciyaaro waa wax aan mar walba doonayo, waxa aanu doonaynaa in aanu guuleysano iyo in aanu ahaano kooxda ugu wanaagsan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*