Luis Enrique Oo Noqonaya Cadowga 1aad Ee Barcelona Iyo Gacanta Uu Ka Geysanayo In Real Madrid La Saxeexato Kylian Mbappe


Tababarihii hore ee Barcelona ee Luis Enrique ayaa lagu soo warramayaa in uu noqonaya cadowga koowaad ee kooxdiisii hore leedahay, sababtoo ah waxay u arkaan in uu ka caawinayo naadiga uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo ee Real Madrid inay si xor ah ula saxeexato weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe.

Sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa waddanka Spain, tababaraha PSG ayaa ay Barcelona dareensan tahay in uu ula dhaqmayo Kylian Mbappe oo uu ka caawinayo go’aanka saamaynaya mustaqbalkiisa, isla markaana ku biiro naadiga uu xafiiltanku kala dhexeeyo ee Real Madrid.

Warka ayaa intaa ku daray, in aragtidan ay qabaan madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta iyo tababare Xavi Hernandez, isla markaana ay labadooduba dhibsadeen qaabka uu Luis Enrique uga hadlo mustaqbalka Mbappe.

Luis Enrique oo warbaahinta la hadlay kaddib ciyaartii ay PSG 3-0 ku xasuuqday Remis 11kii bishan Novem ber, ayaa waxa uu yidhi: “Anigu maanta aad uguma faraxsanayn Kylian Mbappe, sababtoo ah maamuleyaashu waa kuwo layaab leh, waxaanay kaliya eegaan goolasha, laakiin aniga waxay ial tahay inuu siyaabo ka duwan u caawiyo kooxda.

“Anigu mar hore ayaan u sheegay isaga, mana aha wax qarsoon. Waxay nala tahay in Kylian uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunyada, shakina kuma jiro, laakiin waxa aanu uga baahanahay wax intaa ka badan, waxa aanu u baahanahay inuu waxyaabo badan sameeyo.”

Hadalkan ayaa la rumaysan yahay inay maamuleyaasha Barcelona u arkaan inuu ku riixayo Mbappe inuu go’aadho go’aa ah inuu ka tago kooxda iyadoo qandaraaskiisu uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.

Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan u dhaliyey kooxdiisa 16 gool iyo laba kale oo uu caawiye ka noqday 16 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay, isagoo tan iyo markii uu kaga soo biiray Monaco u saftay 276 ciyaarood oo uu u dhaliyey 228 gool iyo 100 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*