Alexander-Arnold Oo Lagu Ganaaxayo Ficilkii Uu Sameeyey Markii Uu Goolka Ka Dhaliyey Man City


Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax ku ridaya difaaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo ficil uu ciqaab ku mutaysan karayo ka sameeyey ciyaartii ay barbarraha 1-1 la galeen Manchester City Sabtidii.

Trent Alexander-Arnold ayaa Liverpool u dhaliyey goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay 10 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana uu goolhaye Ederson weydaariyey laad qabow oo dhulka socday oo 20 yard uu kaga toogtay, taas oo keentay in laacibkan lagu abaal-mariyo xiddigii garoonka.

Natiijadani waxay Liverpool u ridday kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, balse waxay hal dhibic ka dambeeyaan Man City oo iyadana ay labaad usoo dejiyeen halka Arsenal oo hoggaanka haysaa ay laba dhibcood ka horreyso Liverpool.

Alexander-Arnold ayaa markii uu goolka dhaliyey waxa uu sameeyey dabbaal-deg uu ku aamusiiyey taageereyaasha Man City, isaga oo fartiisa saaray afka.

Waraysi uu bixiyey ciyaarta kaddib ayaa la weydiiyey sababta uu falkaa u sameeyey, waxaana uu sheegay in kaliya uu ka riwaayadsanayay jamaahiirta Man City oo uu ku maadsanayay.

Laakiin sida uu qoray wargeyska The Sun, Trent Alexander-Arnold ayaa waxa baadhitaan ku samaynaya xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA, waxaana suurtogal ah in lagu ganaaxo dabbaal-degga uu ku sameeyey taageereyaasha Man City oo uu hortooda istaagay, kaddibna aamusiiyey.

Sharciga FA-ga ayaa dhigaya in ciyaartoyga hortaga taageereyaasha kooxda kasoo horjeedda, isaga oo samaynaya tilmaan ama fal daandaansi ah oo abuuri karaya rabsad, in la siiyo kaadh digniin ah, laakiin garsooraha ciyaarta ee Chris Kavanagh ma aanu raacin sharcigaas wax kaadh ahna ma aanu siinin Trent Alexander-Arnold, sababtoo ah ma aanay caddayn in Trent Alexander-Arnold uu sameeyey daandaansi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*