Bruno Fernandes & Erik ten Hag Oo Isku Aragti Ka Noqday Dheemanka Manchester United Ee Kobbie Mainoo


Tababaraha iyo kabtanka Manchester United ayaa ammaan ugu qubeeyey xiddiga da’da yar ee kooxdooda ee Kobbie Mainoo oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii ay Axaddii 3-0 ku karbaasheen Everton oo ay marti u ahaayeen.

Alejadro Garnacho ayaa xaday indhaha taageereyaasha oo dhaliyey gool qalaama-rogad ah oo aad u qurux badnaa daqiiqaddii saddexaad, halka qaybtii dambena ay laba gool raaciyeen Marcus Rashford iyo Anthony Martial.

Kobbie Mainoo ayaa bandhigga uu sameeyey, waxa uu reebay hadallo badan oo la iska weydiinayo, waxaana loosoo jeedinayaa tababare Erik ten Hag in uu siiyo boos joogto ah.

18 jirkan oo kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii saaxiibtinimo ee Real Madrid ee xagaagii oo uu muddo dhawr bilood ah u jiifay, ayaa waxa uu dib usoo laabtay xilli ay kooxdiisu u baahan tahay oo ay ka dhaawacan yihiin Casemiro, Christian Eriksen iyo Mason Mount, isla markaana khadka dhexe ee ay haystaan ay kaliya yihiin Scott McTominay iyo Sofyan Amrabat oo aanu tababare Ten Hag aad ugu kalsoonayn.

Kaddib ciyaartii shalay, Bruno Fernandes ayaa ammaanta ka xajisan waayey Kobbie Mainoo, waxaanu yidhi: “Aniga aragtidayda, Mainoo ayaa ah xiddiga ciyaarta. Waxa uu soo bandhig ciyaar sarraysa, waa uu ku raaxaysanayaa kubadda, wax qalad ahna ma aanu samayn.

“Marka aad eegto da’diisa, waxa uu leeyahay tayooyin badan, ciyaartoyda kalena wuu ka aragti dheer yahay.”

Tababare Erik ten Hag ayaa isaguna ka hadlay Mainoo, waxaanu yidhi: “Waxa uu leeyahay tayooyin badan, waxaana runtii niyad-jab ahayd in xagaagii uu si xun u dhaawacmay, laakiin wax badan ayuu siin karayaa kooxda, sababtoo ah waxa aan ogahay horumarka badan ee uu samayn karayo haddii uu u ciyaaro sida maanta [shalay] oo kale.

“Waxa aan ogahay inay da’diisu yar tahay oo uu horumar aad u badan oo degdeg ah samayn doono, waxa aanu u diyaarinay si habboon, balse waxa uu sameeyey shaqo wanaagsan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*