Ciyaartii Man City Oo Sababtay In Liverpool Loo Qabsado Lacag Dhan £8.5 Milyan Oo Gini Iyo Sababta


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa laga doonayaa inay bixiso lacag malaayiin Gini ah kaddib ciyaartii shalay ay barbarraha la galeen Manchester City, taas oo uu difaaca midig ee reer England ee Trent Alexander-Arnold waqti dambe u keenay Reds goolka barbarraha iyadoo qaybtii hore uu Erling Haaland hoggaanka u dhiibay City.

Ciyaartan oo markii ay dhamaatay ay isku dhaceen Darwin Nunez iyo tababare Pep Guardiola oo la kala qabtay, ayaa waxa ay keentay in Arsenal ay la wareegto hoggaanka horyaalka, iyadoo Liverpool u dhacday kaalinta saddexaad.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez ayaa sababay in Reds laga dalbado inay bxiiso £8.5 milyan oo Gini, maadaama uu shalay saftay ciyaartiisii 60aad ee uu u dheelo kooxdiisa Liverpool oo xagaagii sannadkii hore kasoo iibsatay kooxda reer Portugal ee Benfica.

Nunez oo ay Liverpool kasoo bixisay lacag dhan £85 milyan oo Gini, ayaa waxa lacag cayiman ahayd £64 milyan oo Gini oo ka mid ah halka inta kalena ku xidhnayd tirada kulamada uu safto, goolasha uu dhaliyo iyo koobabka uu kula guuleysto.

Heshiiska labada kooxood ayaa dhigayay, in Liverpool ay bixiso £8.5 milyan oo Gini marka uu Darwin Nunez u safto 60 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana ay lacagtaasi ku waajibtay Sabtidii.

Tirada lacagta ku xidhnayd shuruudaha oo dhan £21 milyan oo Gini, ayaa waxa inta ka hadhay la filayaa in ay isla xilli-ciyaareedkan buuxsamaan shuruudihii ku xidhnaa.

60ka ciyaarood ee dhamaan tartamada ah ayuu Darwin Nunez kusoo bilowday 36 ka mid ah, waxaana uu dhaliyey 22 gool iyo 10 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*