Real Madrid Oo Dalab Ka Gudbinaysa Xiddigii Ay Chelsea Ku Khasaartay Ee Ay Iska Eriday


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la sheegay in ay diyaarinayso dalab lama filaan ah oo ay ka gudbinayso xiddigii uu ku fashilmay Chelsea ee lagu tilmaamo inuu yahay khasaaraha ugu weyn ee ay Blues diiwaangeliso, iyadoo markii dambena laga caydhiyey naadiga.

Real Madrid ayaa ku khalkhashay dhaawac soo gaadhay xiddigeeda Vinicius Junior oo muddo laba bilood iyo badh ah maqnaanaya, iyagoo aan hore u haysanin weeraryahan dhexe oo gaadhsiisan heerka xiddigihii looga bartay inay Los Blancos uga dheelaan afka hore.

Kaddib bixitaankii Karim Benzema, Carlo Ancelotti ayaa weerarka dhexe u isticmaalay Rodrygo Goes iyo Joselu oo amaah ugaga yimid Espanyol, laakiin waxa dhaliyahooda koowaad uu noqday Jude Bellingham oo khadka dhexe ah oo u dhaliyey 13 gool, saddex kalena caawiyey 14 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa la sheegay in aanu ku niyad-samayn Joselu oo 13 ciyaarood oo horyaalka ah oo uu saftay u dhaliyey shan gool, waxaana ay kooxdu doonaysaa inay la saxeexato laacibkii hore ee Chelsea ee Timo Werner.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid waxay danaynaysaa Werner oo laba gool oo kaliya u dhaliyey kooxdiisa RB Leipzig 12 kulan oo uu xilli-ciyaareedkan u saftay, taas oo abuuraysa khilaaf u dhexeeya Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti.

Werner ayaa sannadkii 2020 ay Chelsea kusoo iibsatay £47 milyan oo Gini, kaddib markii uu 34 gool u dhaliyey RB Leipzig xilli-ciyaareedkii 2019/20.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*