Barcelona Oo Bisha January La Saxeexanaysa Mishiinka Khadka Dhexe Ee Liverpool


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qorshaynaysa weerar ay ku qaaddo Liverpool oo ay ka doonayso ciyaartoy kubbad-sameeye ah oo si fiican ula jaanqaadaya falsafadda tiki-taka ee Barcelona oo uu yaraantiisii kusoo kacaamay, kaas oo ay doonayaan in bisha January ay dhamaystiraan saxeexiisa.

Barcelona oo uu dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Gavi ayaa raadinaysa beddel fiican oo booskaas geli doona, waxaanay ka heshay Liverpool oo ay ka doonayso khad dhexe oo ah kubbad-sameeye.

Xavi Hernandez ayaa la sheegay, in uu doortay kubbad-sameeyaha reer Brazil ee u ciyaaray xulka qaranka Spain ee Thiago Alcantara oo muddo siddeed bilood ah ku maqan dhaawac.

Thiago Alcantara oo ay garoomada ugu dambaysay bishii April ee sannadkii hore, illaa haddana dhaawacyo kaga maqan kooxdiisa, ayaa waxa uu Xavi doonayaa in la hubiyo inta ay le’eg tahay rajadiisa soo kabashadu, kaddibna la keeno kooxda haddii ay uu taam noqon karayo.

Heshiiskii ay Barcelona la gashay Gavi, ayaa waxa uu dhigayaa in mushaharkiisa ay jarto 80% haddii uu dhaawacmo, isla markaana ay siiso ciyaartoyga kale ee beddelkiisa noqonaya.

Waxa kale oo ay Barcelona doonaysaa in bisha January ay la saxeexato Jorginho oo Arsenal si joogto ah ugu ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyey, maadaama ay dhaawacmeen dhawr ciyaartoy.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*