Hector Bellerin Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League Iyo Fursadda Arsenal


Xiddigii hore ee Arsenal ee Hector Bellerin ayaa kalsooni buuxda ku qaba in kooxdiisii hore ay hadda leedahay khibraddii ay u baahnayd si ay ugu guuleysan karto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, isaga oo si weyn u amaanay tababare Mikel Arteta.

Hector Bellrin xilli-ciyaareedkii hore uu Mikel Arteta ku hayay kaydka ka hor intii aan amaahda loogu dirin Real Betis oo uu si rasmi ah ugu biiray, ayaa waxa uu si dhow ula socdaa shaqada Mikel Arteta oo ay hore ugu wada ciyaari jireen Arsenal.

Gunners oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League oo waqti dambe ay lumisay hoggaankiisa oo ay City kala wareegtay ayaa waxa ay suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii samaysay dhawr saxeex oo xoojiyey awoodda kooxda, waxaanay ku jirtaa kaalinta saddexaad miiska kala-sarraynta Premier League ee waqtigan.

Hector Bellerin oo la hadlay Sky Sports ayaa yidhi: “Arteta waxa uu samaynayaa waxbarasho joogto ah, waxaanay taasi u fiican tahay isaga. Waxa uu awooday inuu la qabsado Premier League oo uu wax ka barto qaladaadkiisii hore, waxaana uu  noqon doonaa tababare Arsenal ka caawiya inay ku guuleysato Premier League.”

Inkasta oo Hector Bellerin uu amaanay Arsenal, haddana waxa uu sheegay in Manchester City ay tahay kooxda ugu awoodda badan waqtigan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*