TOP 10: Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Qiimaha Badan Kubadda Cagta Oo Lasoo Saaray, Kaalinta 1aad Oo Kaa Yaabinaysa Iyo Figta Sare Oo £218 Milyan Oo Gini Ah


Ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubadda cagta waqtigan ayaa la shaaciyey, waxaana figta sare lagu qabsaday Erling Haaland oo waliba uu ka cidhiidhsaday ciyaartoy kale oo lama filaan ah oo waqtigan aanay cidina filaynin inuu booskaas gelayo.

Haaland oo ay da’diisu tahay 23 jir, ayaa ka mid noqday shan ciyaartoy oo horyaalka Premier League ah oo tobanka laacib ee ugu qiimaha badan waqtigan ka mid noqday.

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa sare usoo kacay oo dhawr ciyaartoy ku yeeshan tobanka sare, waxaana cajiib ah in Vincius Junior uu yahay ciyaartoyga ugu qiimaha badan ee figta sare ka riixday Erling Haaland inkasta oo ay isku mid yihiin Erling Haaland oo ay min £218 milyan oo Gini ka joogaan suuqyada.

Waxa kale oo cajiib ah in tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan waqtigan ay ku jiraan saddex ciyaartoy oo reer Brazil ah iyo saddex reer England ah, halka afarta kalena ay qaybsadeen dalalka kale, waxaana ka mid ah Jamal Musiala.

Shabakadda qiimaynta iyo xogta ciyaaraha ee CIES Football Observatory oo qiimayntan samaysay, ayaa waxa kaalinta ugu dambaysa ee 10aad ku jira Gabriel Martinelli oo Arsenal ah oo qiimihiisu ka joogo suuqyada  £130 milyan oo Gini.

Halkan kaga bogo qiimaha tobanka ciyaartoy ee ugu qaalisan kubadda cagta

7= Gabriel Martinelli – £130m

7= Julian Alvarez – £130m

7= Jamal Musiala – £130m

7= Phil Foden – £130m

7= Gavi – £130m

3= Kylian Mbappe – £175m

3= Bukayo Saka – £175m

3= Rodrygo – £175m

3= Jude Bellingham – £175m

1= Erling Haaland – £218m

1= Vinicius Jr – £218m

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*