Premier League Oo Shaaciyey Garsooreyaasha Kulanka Adag Ee Man City vs Liverpool & Newcastle vs Chelsea


Xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ayaa shaaciyey siidhiwaleyaasha kulanka adag ee Manchester City ay Sabtida ku qaabbilayso Liverpool oo ka dhacaya garoonka Etihad Stadium maalinta Sabtida, kaas oo natiijadiisu ay saamayn ku yeelan doonto figta sare ee horyaalka Premier League.

Waxa kale oo la shaaciyey garsooreyaasha ciyaarta adag ee Newcastle United ay Sabtida ku martigelin doonto Chelsea oo ay xaaladdu ku xun tahay xilli-ciyaareedkan, kaddib markii ay ku bilowdeen si aad u liidata.

Garsoore Chris Kavanagh ayaa loo doortay inuu qabto ciyaarta sida weyn loo sugayo ee Manchester City vs Liverpool ee Sabtida, taas oo kusoo beegmaysa kaddib laba usbuuc oo uu horyaalka Premier League ku jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Manchester City oo hoggaanka horyaalka Premier League ku haysa 28 dhibcood oo ay ka urursatay 12 ciyaarood oo horyaalka ah, halka Liverpool ay hal dhibic oo kaliya ka dambayso oo ay haysato 27 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*