DEG-DEG: Thomas Muller Oo Go’aan Ka Gaadhay Waqtiga Uu Hawlgabka Noqonayo


Xiddiga reer Germany ee Thomas Muller ayaa go’aan ka gaadhay waqtiga uu ka fadhiisanayo ciyaaraha kubadda cagta oo hore loo sheegayay inuu hawlgab ka noqonayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.

Muller oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa la isla dhax-marayay in uu ka bixi doono Allianz Arena maadaama uu qandaraaskiisu dhamaanayo, laakiin waxa uu laacibkani go’aasnaday in aanu fadhiisan doonin.

Qandaraaska uu Muller kula jiro Munich ayaa ku eg June 2024, laakiin ma aanu caddaynin in uu sii joogayo Bayern Munich oo uu qandaraas cusub u saxeexi doono iyo in uu koox kale tegi doono, waxaana uu yidhi: “Waxa iga go’an oo aan doonayaa in aan sii ciyaaro sannad kale kaddib 2024. Wali waxa aan ku raaxaysanayaa garoonka.”

Thomas Muller oo uu aabbihii Gerd Muller u ciyaari jiray Bayern Munich, ayaa isaguna cimrigiisa oo dhan ku qaatay Allianz Arena oo uu hadda gabaabsi kaga jiro cimrigiisa ciyaareed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*