RASMI: Xulka Talyaaniga OO Usoo Baxay Euro 2024 Iyo Dalalka Kale Ee Soo Gudbay


Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ugu dambayn usoo baxay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, kaddib markii ay barbarro goolal la’aan ah la galeen Ukraine oo waqtigii dhamaadka ku murantayin rikoodhe loo dhigo.

Talyaania oo ah dalka difaacanaya Koobka Qaramada Yurub ee UEFA, ayaa shaki weyn uu ku jiray inuu si toos ah ugu soo bixi karayo, laakiin tababare Spalletti oo beddelay Roberto Mancini oo dhowaan is casilay, loona magacaabay xulka Sucuudiga, ayaa Azzurri usoo saaray tartankii ugu horreeyey.

Federico Chiesa auaa daqiiqadihii ugu horreeyey waxa uu sameeyey fursad uu shabaqa kusoo taabtay, kaddib markii Nicolo Zanila isku-daygiisa samnin.

Qaybta labaad ayaa ay labada xul fursado fiican kala heleen, inkasta oo ay gacanta sare layd Talyaaniga oo ay ka go’nayd in ay iska maydhaan in ay ceeboobaan oo way tartanka 2024 qayb ka noqonayaan.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Ukraine ku doodeen in rikoohdhe loo dhigo, balse waa laga diiday.

Natiijooyinka kulamadii maanta iyo caawa

North Macedonia 1-1 England
Albania 0-0 Faroe Islands
Czech Rep 3-2 Moldova
Northern Irelan d 2-2 Denmark
San Marino 1=12 Finland
Slovenia 2-1 Kazakhstan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*