Gilberto Silva Oo Kashifay Qorshaha Arsenal Ee Suuqa Bisha January – Yay La Saxeexanayaan?


Halyeyga reer Brazil ee Gilberto Silva ayaa shaaciyey in kooxdiisii hore ee Arsenal ay is-xoojin doonto bisha January oo ay ciyaartooyo cusub la saxeexan doonto, waxaana uu si cad usii kashifay boosaska uu maqlay in kooxdu ay xiddigo cusub kusoo kordhinayso.

Gabriel Jesus oo ay dhibaato ka haysato weerarka oo ay dhaawacyo kusoo noqnoqdeen Gabriel Jesus, ayaa waxa lala xidhiidhinaa ciyaartooyo ay ka mid yihiin Ivan Toney oo qiimihiisa lagu sheegay £80 milyan oo Gini.

Booska kale ee Arsenal ay u baahan yihiin inay iska xoojiyaan waa khadka dhexe oo Kai Havertz oo ay kusoo kordhiyeen safkoodu uu illaa hadda bandhig aad u liita oo aan qancinin Mikel Arteta la shir yimid, halka Jorginho isagana saluug weyn ay kooxdu u hayso, iyadoo Thomas Partey uu noqday ciyaartoy inta badan dhaawac u jiifa.

Mohamed Elneny iyo Thomas Partey waxay labadooduba tegi doonaan tartanka qaramada Afrika bisha January, waxaanay taasi keenaysaa in ay kala-doorashooyinku ku yaraadaan Mikel Arteta, waxaana Gunners lala xidhiidhinayaa Douglas Luiz oo ay mar kale isku dayayaan inay kasoo qaataan Aston Villa.

Gilberto Silva oo la hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in Gunners ay iska xoojin doonto dhawr boos, waxaanu yidhi: “Waxa aan maqlay in ay raadinayaan dhawr ciyaartoy oo khad dhexe ah sababtoo ah Partey ayaa ka dhaawacmay dhawr jeer, hubaal weeye in aanu 100 taam ahayn, wayna iska caddahay in aanu noqonayn markaa way ka war hayaan.

“Mararka qaarkood waa in aad noqotay sidii qof kalluumayste ah, waa in aad soo qabsato/jillaabato ciyaartoyga saxda ah ee aad u baahan tahay, waana in aad ogtahay in uu kaa caawinayo kulamada aad doonayso in aad guuleysato oo aad isticmaasho inta ka hadhay xilli-ciyaareedka. Sidoo kale waa in aad horumariso qaabka aad u ciyaarto.”

Gilberto Silva waxa kale oo uu sheegay in Edu ay marar badan wada-hadleen oo ay isla qaadeen suuqa iyo in ay kooxdani doonayso inay la saxeexato ciyaartooyo cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*