Benjamin Mendy Oo Magdhow Malaayiin Gini Ah Ka Dalbaday Manchester City Iyo Nuxurka Dacwadda Uu Gudbiyey


Xiddiga reer France ee Benjamin Mendy  ayaa dacwad ka gudbiyey kooxdiisii hore ee Manchester City oo uu ka dalbaday lacago malaayiin Gini ah oo ah mushaharooyinkiisii oo kooxdaasi aanay siinin markii loo xidhay dembiyo kufsi ah oo waqti dambe lagu waayey.

Sky Sports ayaa ku warramay in Benjamin Mendy uu dhawr maalmood ka hor gudbiyey dacwad uu kusoo oogay Manchester City oo nuxurkeedu yahay, in ay mushaharkiisii iyo gunnooyinkiisii ay jideeyeen heshiisyadii uu kula jiray ay si ogolaansho la’aan ah uga jaraan sannadkii 2021 iyagoo markii dambena ku daray liiska ciyaartoyda ay kooxdu fasaxday xagaagii.

Mendy oo beeniyey dhamaan eedaymihii loo haystay, ayaa ay maxkamadduna wax caddayn ah ku weyday waxaana uu kasoo baxay jeelka oo loo ogolaaday inuu ciyaaro bishii July, markaas oo uu ku biiray kooxda waddankiisa ka dhisan ee Lorient.

Lama sheegin xaddiga lacagta ay uu Benjamin Mendy  ka doonayo Manchester City oo sannadkii 2017 kasoo bixisay £52 milyan oo Gini oo ay kaga soo iibsatay Monaco, ayaan wali ka hadal warkan sheegaya in uu laacibkeedan hore dacwad kusoo oogay.

Si kastaba ha ahaateen, Benjamin Mendy ayaa waxa markii lasii daayey uu ka degay naadiga Lorient ee waddanka Faransiiska oo uu u saxeexay heshiis laba sannadood ah oo u suurtogeliyey inuu dib u dhiso noloshiisa dhibaatadu gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*