Waa Kuma Dhaliyaha Dilaaga Ah Ee Real Madrid U Buuxinaya Booska Uu Ka Dhaawacmay Vincius Junior?


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa helay dheeman cajiib ah oo u buuxinaya booska uu ka dhaawacmay Vinicius Junior oo muddo laba bilood iyo badh ah ka maqnaan doona garoomada, kaddib dhaawac kasoo gaadhay garoomada.

Vinicius Junior oo ku dhaawacmay xulka qaranka Brazil ayaa waxa uu maqnaan doonaa muddo laba bilood iyo badh ah, waxaana loo badinayaa in Rodrygo Goes uu buuxin doono booska garabka bidix ee weerarka, iyadoo Joselu uu weerarka tooska ah ka ciyaari doono, halka Jude Bellingham uu booskiisii hore xajisan doono.

Arda Guler ayaa isaguna muddo ka maqnaan doona garoomada, halka Brahim Diaz uu yahay dookh fiican oo uu Carlo Ancelotti isticmaali karayo.

Waxa kale oo muddooyinkii dambe kooxda koowaad lagu soo darayay Nico Paz, iyadoo Alvaro Rodriguez uu hoos u dhacay, balse waxa uu Ancelotti da’yarta kooxdiisa ka helay Gonzalo Garcia Torres oo ah 19 jir layaableh oo la saaxiib ah shabaqa.

Garcia Torres ayaa xilli-ciyaareedkii hore waxa uu da’yarta Real Madrid u dhaliyey 35 gool, xilli-ciyaareedkan socdana waxa uu shabaqa soo taabtay afar gool 21 ciyaarood oo uu saftay.

Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa, in Garcia Torres oo si fiican uga ciyaara garbaha iyo weerarka dhexe, uu noqon doono dookh fiican oo uu Carlo Ancelotti isticmaali doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*