Miyaa Horyaalka Premier League Lagu Wareejin Doonaa Man United, Liverpool Iyo Arsenal Haddii Laga Qaado Man City?


Kaddib markii Everton laa jaray toban dhibcood oo horyaalka Premier League ah iyadoo lagu eedaynayo inay jabisay sharciga dhaqaale-wanaagga ee ciyaaraha, ayaa waxa kale oo hadda kaabiga saaran oo la sugayaa ciqaabta lagu soo rogayo Manchester City oo uu baadhitaanno ku socdo.

Bishii February, ayaa waxa Man City lagu helay in muddo sagaal sannadood ah ay si xidhiidh ah u jabinaysay sharciga dhaqaalaha oo ay gashay fal-dambiyeed tiradoodu tahay 115 jeer.

Falalkan ayaa waxa ay dhaceen intii u dhaxaysay 2009/10 illaa 2017/18, sidoo kalena waxa ay shakiyo ku gudamaanan yihiin shantii sannadood ee ka dambaysay ee 2018/29 illaa 2022/23.

War-saxaafadeed ay Mancheste rCity soo saartay ayay ku sheegtay in arrimahani ay layaab ku yihiin, sidoo kalena waxa arrintan ka hadlay Pep Guardiola oo ku dhaartay inuu iska casili doono kooxda haddii lagu caddeeyo dembiyadan, balse waxa jira soo-jeedin kale oo ah in laga saaro Premier League oo loo dhaadhiciyo heerka labaad.

Su’aalo waaweyn ayaa la isla dhax-marayaa horyaalka Premier League, waxaanay ku saabsan yihiin waxa laga yeelayo horyaalladii ay Man City ku guuleysatay muddadii ay falalkan dembiga ah samaynaysay, waxaana lasoo jeedinayaa in laga wareejiyo oo la siiyo kooxaha kaalinta labaad kaga jiray horyaalka sannad walba.

Wargeyska Daily Mail, ayaa sheegay in City laga wareejin doono horyaalkii ay ku guuleysatay sannadkii 2014, sidoo kalena laga fiirsan doono kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in horyaallada ay lumiso Man City lagu wareejinayo koox kale, sababtoo ah sannadkii 1990kii, ayaa wwaxa anaax noocan oo kale ah uu ku dhacay Swindon Town oo lagu helay 35 kiis oo ah in ay ciyaartooyo sifo sharci-darro ah usoo iibsanaysay.

Kooxdan oo heerka koowaad usoo dallacaysay markii ay ku guuleysatay heerka labaad, ayaa waxa loo dhaadhiciyey heerka saddexaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*