YAAB: Lacagta Lagu Iibinayo Garamadii Uu Lionel Messi Ku Ciyaaray Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey


Dharkii uu xidhnaa xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi intii uu socday Koobkii Adduunka ee Qatar ayaa la shaaciyey, waxaana laga bixinayaa lacag badan oo rikoodh jabis ah oo aan wali adduunyada lagu arag.

Garankii uu Messi ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyey, ayaa waxa kalidii lagu iibinayaa £8 milyan oo Gini, iyadoo kuwii kale ee uu ku ciyaaray kulamadii kale ee Koobka Adduunka sidoo kale ay lacago badan ku yaallaan suuqa ee xaraashka.

Ciyaartoyda xulka qaranka Argentina ayaa labadii qaybood ee ciyaartii finalka waxa ay ku dheeleen garamo kala duwan, iyagoo waqtigii nasashada bixiyey kuwii hore, kuwaas oo mid walba uu suuqyada ka taagan yahay min £8 milyan oo Gini.

Waxa kale oo suuqyada laSoo dhigay garamadii uu Lionel Messi ku ciyaaray kulankii Croatia ee semi-finalka Koobka Adduunka, kuwii Netherlands, wareeggii 16ka oo ay Netherlands la ciyaareen iyo saddex ka mid ah kulamadii wareegga group-yada.

Marka la isku-celceliyo, Lionel Messi ayaa waxa garamadii uu ku ciyaaray Koobka Adduunka lagu iibsanayaa £8 milyan oo Gini, waxana uu jabinyaa rikoodhkii iibka ee Michael Jordan ee kulamadii finalada ee 1998, kuwaas oo qiyaas ahaan lagu iibsaday £8.1 milyan oo Gini bishii September.

Waa kuwan garamadii ugu qaalisanaa abid

1. Garankii Maradona uu ku ciyaaray ciyaartii England vs Argentian ee Koobkii Adduunka 1986kii ee uu dhaliyey goolka gacanta ah – £7.1 milyan oo Gini.

2. Garankii Pele ee finalkii Koobka Adduunka 1970 ee Brazil vs Argentina – £157,750 

3. Garankii Sir Geoff Hurst ee finalkii Koobka Adduunka England vs West Germany 1966 – £91,750

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*