Lacagta Magdhowga Ah Ee FIFA Ay Siinayso Barcelona Kaddib Dhaawaca Gavi


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka doonaysa FIFA in ay siiso lacag magdhow ah kaddib dhaawacii cuslaa ee xalay soo gaadhay Gavi oo garoomada ka maqnaan doona muddo sagaal bilood ah, taas oo ka dhigan in xataa uu ka maqnaan doono bilaha hore ee xilli-ciyaareedka dambe.

19 jirkan oo illaa hadda 27 ciyaarood u saftay xulka qaranka Spain tan iyo markii uu taabare Luis de la Fuent noqday tababaraha xulka qaranka Spain, ayaa waxa uu dhaawaciisu sababayaa in Barcelona aanay helin inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.

Iyadoo aanay cidina u dhoweyn ayaa uu Gavi dhulka ku dhacay markii ay jilibka waxyeelladu kasoo gaadhay, waxaana uu markiiba xajisan waayey ilmada iyadoo si degdeg ah ay dhakhaatiirtu usoo galeen garoonka oo ay gurmad u fidiyeen ka hor intii aanay ka bixin ciyaarta.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, kooxda Barcelona ayaa waxa ay FIFA ka heli doontaa lacag magdhow ah oo gaadhaysa €3 milyan oo Euro oo sababteedu tahay dhaawaca laacibkan.

Sharciga FIFA ayaa dhigaya, in kooxda ay ciyaartoydeedu ku daawacmaan garoomada la siiyo magdhow mushaharka in muddo ah oo kooxdu bixin lahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*