Barcelona Oo Warbixin Argagax Leh Kasoo Saartay Dhaawaca Soo Gaadhay Gavi


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay, in uu jilibka ka jabay xiddiga da’da yar ee reer Spain ee Gavi oo isaga oo ooyaya laga saaray garoonka ciyaartii xulka qarankiisa Spain uu 3-1 ku garaacay Georgia.

19 jirkan ayaa waxa la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda, taas oo ka dhigan in Barcelona ay weyday halbowle waqti ay u baahnaayeen ay waayayaan.

Saxaafadda Spain ayaa waxa ay sheegaysaa, in Gavi lagu samayn doono qalliin, lana filayo inuu kusoo laabto garoomada kulamada saaxiibtinimo ee ka hor inta aanu bilaabmin xilli-ciyaareedka dambe.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Barcelona ayaa lagu yidhi: “Ciyaartoygu waxa uu geli doonaa qalliin maalmaha soo socda ay ku samayn doonaan dhakhaatiirtu, warbixintiisana dib ayaanu idiinka soo doonaa.

“Gavi waxa uu ku dhaawacmay ciyaartii Spain ee ugu dambaysay ciyaaraha caalamiga ah ee isreeb-reebka Euro 2024 ee Georgia. Waxa ciyaatoyga lagu qasbay inuu garoonka ka baxo daqiiqaddii 26aad.”

Barcelona waxa ay intaa ku dartay, in warbixin dheeraad ah ay kasoo saari doonaan qalliinka lagu samaynayo laacibkan.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayay dhibaato weyn ku tahay in ay laacibkan uu ka dhaawacmo waqtigan, balse waxa uu dhaawaciisu kusoo beegmayaa iyadoo ay dib ugu soo laabteen Frenkie de Jong iyo Pedri oo khadka dhexe ahaa oo muddo ka maqnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*