Bruno Fernandes Oo Magacaabay Kubbad-sameeye Uu Jeclaan Lahaa Inuu Ka Garab Ciyaaro


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa qirtay in uu jeclaan lahaa in uu helo ursad uu kaga garab ciyaaro xiddig uu la doonayo in Manchester United ay u wada ciyaaraan, isla markaana ku midoobaan garoonka Old Trafford.

Bruno Fernandes oo ah kabtanka Manchester United, ayaa waxa uu sheegay, in uu la dhacay qaab-ciyaareedka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Benfica iyo xulka Portugal ee Joao Neves.

19 jirkan ayaa kusoo bilowday ciyaarood oo ay kooxdiisu dheeshay xilli-ciyaareedkan, isaga oo dhaliyey goolkii barbarraha kulankii Lisbon Derby ee ay kooxdiisu dhibcaha la qaybsatay Sporting Lisbon ka hor intii aan loo bixin ciyaaraha caalamiga ah.

Neves oo ku jira ciyaartoyda xulka qaranka Portugal ee kulamada saaxiibtinimo ee bishan November ayaa waxa ay iska garab ciyaareen Bruno Fernandes oo isaguna bandhig heersare ah sameeyey, waxaana uu kabtanka Man United la dhacay qaab-ciyaareedka uu sameeyey laacibkan.

Fernandes oo la hadlay warbaahinta ayaa ka sheekeeyey laacibkan, waxaana uu yidhi: “Maamulka kooxda ayay ku xidhan tahay in ay keenayaan kooxda iyo in kale, laakiin waa ciyaartoy wanaagsan, in uu boos ka helayo kooxda iyo in kalena waxay ku xidhan tahay xulashada tababaraha, iyo fikradihiisa.

“Laakiin waa ciyaartoy cajiib ah, wiil layaableh, waxaanu leeyahay mustaqbal ifaya.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*