RASMI: Kieran Trippier Oo Laga Saaray Xulka Qaranka England


Difaaca kooxda kubadda cagta Newcastle United ee Kieran Trippier ayaa laga saaray xulka qaranka England isaga oo taam ah, waxaana sababta lagu sheegay arrimo shaqsiyeed oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Laacibkan ayaa ka maqnaan doona ciyaarta Isniinta ee isreeb-reebka Euro 2024 ee xulka qarankiisa England uu la ballansan yahay North Macedonia.

Kooxdiisa Newcastle United ayaa xaqiijisay in Trippier oo 90 daqiiqadood ciyaaray kulankii Jimcihii ee Malta laga fasaxay xulka qaranka England oo uu dib ugu soo laabanayo hoygiisa iyo tababarka kooxdiisa intaba.

33 jirkan oo 46 ciyaarood u saftay xulka qaranka England ayaa waxa booska uu ku banneeyey xulkiisa buuxin doona Kyle Walker ama Rico Lewis oo uu midkood ka ciyaari doono difaaca bidix.

Ka bixitaanka Kyle Walker ee xulka qaranka England ayaa waxa ay dhibaato ku tahay tababare Gareth Southgate sababtoo ah waxa hore uga dhaawacmay oo xulka laga saaray Jude Bellingham, Marcus Rashford, Levi Colwill, James Maddison, Lewis Dunk iyo Callum Wilson.

Si kastaba ha ahaatee, Newcastle United ayaa ku ducaysanaysa in uu laacibkani soo dhamaysto hawlihiisa shaqsiga ah ka hor inta aan la gaadhin ciyaarta Sabtida ay la ballansan yihiin Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*