Mucjisada Arsenal Ee Tobanka Gool Dhaliyey Ka Dhaliyey Liverpool Iyo Falcelinta Taageereyaasha


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa falcelin farxadleh ka sameeyey xiddiga usoo baxaya ee tobanka gool dhaliyey Sabtidii, kaas oo ay ku tilmaameen mucjiso aan hore loo arag oo ugu soo beegmay waqti ay raadinayaan weeraryahanno ka caawiya inay ku guuleystaan horyaalka Premier League.

Kulliyadda Arsenal ee Hale End ayaa waxa ay soo saaraysaa dheeman kale oo raacaya raadka Bukayo Saka iyo xiddigo kale oo ay Gunners ka heshay kulliyaddeeda oo hore guulo u gaadhsiiyey.

Chido Obi-Martin oo ay da’diisu tahay 16 jir, ayaa Sabtidii waxa uu 10 gool ka dhaliyey ciyaartii ay xasuuqa aan hore loo arag ugu geysteen da’yarta Liverpool, kuwaas oo ay ku garaaceen 16-3.

Ciyaartoyda da’yarta Arsenal ee U16, ayaa waxa ay burburiyeen dhiggooda Liverpool, waxaana ku filnaaday oo kalidii dhaliyey goolasha guusha u go’aamiyey kooxdiisa Arsenal.

Gunners ayaa waxa ay ciyaartan dhalisay goolal aan beryahan laga arag kooxdeeda da’yarta, waxaase xalladda usii yeeshay in kooxda ay garaaceen ay tahay Liverpool oo uu ka dhexeeyo xafiiltan muddo dheer soo jiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*