Manchester United Oo La Saxeexanaysa Xiddigii Ay Muddada Dheer Raadinaysay


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaysa in ay samayso isku-day kale oo ay kula saxeexanayso xiddiga reer France ee Antoine Griezmann, kaas oo dhawr jeer oo hore oo ay isku dayeen ay ku fashilmeen inay keenaan Old Trafford.

Red Devils oo ku jirta xilli-ciyaareedkeedii ugu xumaa ee muddo 61 sannadood ah, isla markaana uu Erik ten Hag kasoo hooyey natiijooyinkii ugu xumaa, taas oo cadaadis badan ku haysa shaqadiisa, inkasta oo guul cidhiidhi ahayd oo ay ka gaadheen Luton Town ay woxoogaa ka dejisay cadaadiskii ay ku keentay guul-darradii ciyaartii FC Copenhagen ee tartanka Champions League.

Marcus Rashford oo ahaa dhaliyaha ugu weyn ee kooxda ee xilli-ciyaareedkii hore oo 30 gool oo dhamaan tartamada ah u saxeexay, ayaa kaliya hal gool dhaliyey xilli-ciyaareedkan, halka Rasmus Hojlund uu ciyaaray 10 kulan oo Premier League ah oo aanu wax gool ah ka dhalin iyadoo Anthony Martial iyo Antony ay iyaguna ku dhibaatoonayaan sidii ay fursad u heli lahaayeen.

Jadon Sancho oo ah dookh kale oo uu isticmaali lahaa Ten Hag ayaan kooxda kasoo muuqanin tan iyo ciyaartii Arsenal ee bilowgii xilli-ciyaareedka, markaas oo ay isku dhaceen tababare Ten Hag.

Sida uu qoray wargeyska El Nacional, Manchester United ayaa waxa ay doonaysaa in ay mar kale isku daydo inay la saxeexato Antoine Griezmann oo ay diyaar u tahay inay saddex jibbaa uga dhigto mushaharka uu ka qaato Atletico Madrid, taas oo ka dhigan in usbuucii uu ka qaadan doono Old Trafford £350,000.

Warka ayaa intaa ku daray, in United ay doonayso inay hesho laacibkan oo ay u arkaan kubbad-sameeye, dhaliye iyo xataa kubbad-burburiye marka loo baahdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*