AKHRISO: Kulamada Ay Real Madrid Ciyaarayso TOBANKA Usbuuc Ee Uu Ka Maqan Yahay Vinicius Jr


Kaddib markii shalay la xaqiijiyey, in Eduardo Camavinga uu kooxdiisa Real Madrid ka maqnaanayo muddo 8 illaa 10 usbuuc oo aanu qayb ka noqon doonin 11ka ciyaarood ee soo socda ee kooxdiisa, ayaa waxa haddana la shaaciyey, in Vinicius Jr uu laba bilood iyo badh ka maqnaanayo garoomada.

Natiijada baadhitaannada lasoo bandhigay ee dhaawaca Vinicius Junior, ayaa waxa ay xaqiijisay, in uu laacibka reer Brazil dillaac kaga yimid muruqa lugta bidix ee bowdada, waxaana xaaladdiisa sii xumaynaya in dhaawacani uu ka gaadhay isla halkii uu hore uga dhaawacmay horraantii xilli-ciyaareedka.

Vinicius Junior ayaa muddada labada bilood iyo badhka ah ee uu maqnaanayo, waxa ay kooxdiisu ciyaari doontaa kulamo badan oo go’aaminaya sida uu noqonayo xilli-ciyaareedkoodu iyo halka ay kaga dhamaysan doonaan.

Tartanka Champions League, waxa uu Vinicius Junior ka maqnaan doonaa labada ciyaarood ee ka hadhsan wareega group-yada ee ay kooxdiisu la dheeli doonto Napol iyo Union Berlin, laakiin waxa uu kasoo gaadhi doonaa kulamada wareegga 16ka, maadaama kulamada wareeggaasi ay bilaabmi doonaan badhtamaha bisha February ee sannadka dambe.

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxa uu laacibkani ka maqnaan doonaa Cadiz, Granada, Real Betis, Villarreal, Alaves, Mallorca, Getafe, Almeria iyo Las Palmas.

Waxa kale oo aanu wax fursad ah u heli doonin tartanka Spanish Super Cup oo wareegga semi-finalka ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid iyo haddii ay soo gudbaan oo finalka ay iskugu iman doonaan Barcelona ama Real Betis midkooda soo gudba.

Real Madrid ayaa ku ducaysanaysa in uu Vinicius Junior kasoo gaadho ciyaarta Atletico Madrid ee horyaalka LaLiga ee February 4, 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*