Erling Haaland Oo Afka Furtay Kaddib Markii La Xaqiijiyey Inuu Dhaawacmay Iyo Kulamada Uu Ka Maqnaanayo


Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Erling Haaland ayaa la xaqiijiyey in aanu ciyaari doonin kulanka xulka qarankiisa Norway ee Axadda berri ay waajihi doonaan Scotland, kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaar saaxiibtinimo oo ay 2-0 ku garaaceen jasiiradda Faroe Islands.

Dhakhaatiirta xulka qaranka Norway ayaa gudaha garoonka kula tacaalay xaaladdiisa markii uu birta ku dhacay isagoo isku dayaya inuu kubadda ku leexiyo goolka, markaas oo ay kuraanta waxyeello kasoo gaadhay.

Waxa uu awooday inuu dhamaysto ciyaartaas isaga oo dhutinaya, laakiin Ola Sand oo ah dhakhtarka xulka qaranka Norway ayaa sheegay, in aanu qayb ka noqon doonin ciyaarta Axadda ee Scotland, sidoo kalena aanu imanin tababarkii maanta.

Kaddib hadalka dhakhtarka, Erling Haaland ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu soo laaban doono isaga oo ka xooggan intii hore, waxaana uu qoraalkiisa ku yidhi: “Nasiib-darro, waan ka maqnaanayaa ciyaarta berri ee Scotland. Waxa aan wiilasha u rajaynayaa nasiib-wanaagsan. Hadda waxa ii socota daaweyn, waxaanan isku dayayaa inaan usoo laabto sida ugu dhakhsaha badan.”

Haaland ayaa waxa uu sidoo kale shaki ku jiraa ciyaarta adag ee horyaalka Premier League ee Liverpool ee toddobaadka dambe, taas oo haddii uu seego ay wiiqmi doonto kooxdiisa oo 18 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 17 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*