DEG-DEG: Vincius Jr Oo La Shaaciyey Muddo Dheer Oo Uu Garoomada Ka Maqnaanayo


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in xiddigeeda reer Brazil ee Vinicius Juniro uu dillaacay muruqa lugta bidix, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo laba bilood iyo badh ah.

Vinicius Jr. oo ku dhaawacmay ciyaartii xulka qarankiisa Brazil uu magaalada Barranquilo ku booqday Colombia, isla markaana daqiiqaddii 26aad ka baxay garoonka, ayaa waxa hadda soo baxday warbixinta baadhitaannadii lagu sameeyey.

War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayaa lagu yidhi: “Baadhitaanno maanta lagu sameeyey ciyaartoygayaga Vinicius Jr oo ay sameeyeen dhakhaatiirta Real Madrid, waxa lagaga daaweeyey laacibkan dillaac kaga yimid muruqa dambe ee bowdada ee lugta bidix.”

Dhakhaatiirta takhasuska ku ah dhaawacyada noocan ah ayaa waxa ay sheegeen in uu Vinicius Jr. garoomada ka maqnaan doono muddo laba bilood iyo badh ah, taas oo ka dhigan in illaa bisha February aanu usoo laaban doonin Los Blancos

Wariyaha ciyaaraha ee Arancha Rodrugiez oo helay xogta dhaawaca laacibkan ayaa waxa uu sheegay in Real Madrid aanay xisaabteeda ku darsan doonin Vinicius Jr illaa horraanta bisha February.

Real Madrid ayay arrintani ku tahay dhibaato weyn sababtoo ah waxa ay kaliya weeraryahanno haystaan Rodrygo Goes iyo Joselu Mata.

Waxa kale oo Real Madrid ka dhaawacan Eduardo Camavinga oo muddo 2 bilood ah maqnaanaya iyo Tchaoumeni oo illaa sannadka cusub jiifi doona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*