RASMI: Jude Bellingham Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Golden Boy 2023 Iyo Halka Uu Ka Galay Taariikhda Ingiriiska


Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican da’yarta adduunyada ee Goden Boy, kaddib xilli-ciyaareed cajiib ah oo uu lasoo qaatay kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund, xulka England oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey koobkii Adduunka iyo kooxdiisa hadda ee Real Madrid oo uu si degdeg ah hogaamiye iyo dhaliye ugu noqday.

Jude Bellingham oo ay da’diisu tahay 20 jir, ayaa raacay raadka laba ciyaartoy oo kaliya oo Ingiriis ah oo abaal-marintan qaatay, kuwaas oo uu u noqonayo ciyaartoygii saddexaad ee taariikhda Ingiriiska ku guuleysta abaal-marintan.

25ka ciyaartoy ee liiska gaaban oo ay sidoo kale ku jireen Jamal Musiala, Rasmus Hojlund, Evan Ferguson iyo Levi Colwill, kuwaas oo si adag ugula tartamay.

Jude Bellingham ayaa nqoday ciayartoyga helay codadkii ugu badnaa ee ku guuleystay abaal-marinta Golden Boy 2023, waxaana uu sidaas ku noqday ciyaartoygii saddexaad ee abaal-marintan ku guuleysta, waxaana ka horreeyey Raheem Sterling oo sannadkii 2014 ku guuleystay iyo Wayne Rooney oo 2004 qaaday.

Abaal-marinta Golden Boy 2023 ee hadda lasii shaaciyey ku-guuleystaha qaadanaya oo ah Jude Bellingham, waxa lagu bixin doonaa xaflad lagu qaban doono magaalada Turin ee waddanka Talyaaniga December 4.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*