Warbixintii la sugayay ee dhakhaatiirta Real Madrid ee baadhitaannada lagu sameeyey xiddiga reer France ee Eduardo Camavinga oo dhaawacmay, ayaa soo baxday, wasaana la xaqiijiyey in laacibkani uu garoomada ka maqnaan doono illaa laga gaadhayo sannadka 2024 oo uu waliba usbuucyada ugu horreeya ka maqnaan doono.
Eduardo Camavinga oo ku dhaawacmay tababarka xulka qaranka France oo ay isku dhaceen Ousmane Dembele ayaa waxa ay Real Madrid sheegtay, in uu dhaawac kasoo gaadhay isha jilibka oo dillaacday, sidaas daraadeedna uu muddo dheer maqnaan doono.
Real Madrid ma aanay sheegin muddada uu Eduardo Camavinga maqnaanayo, waxaanay ku gaabsadeen in lala socon doono sida uu usoo kabto oo dib laga soo gudbin doono warbixintiisa.
Laakiin saxafiga Arancha Rodriguez ayaa waxa uu sheegay, in xogaha uu ka helayo dhakhaatiirtu ay u xaqiijiyeen in Camavinga uu garoomada ka maqnaan doono siddeed illaa toban usbuuc, taas oo ka dhigan, in ugu horreyn uu garoomada kusoo laaban doono dhamaadka bisha January ee sannadka dambe ee 2024.
Inta ka hadhay sannadkan socda ee 2023, Real Madrid waxay ciyaari doonaa kulamo badan oo aanu sinaba uga soo gaadhi doonin Eduardo Camavinga, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey in uu seegi doono ciyaaraha Cadiz oo horyaalka LaLiga ah, Napoli oo tartanka Champions League ah, Real Betis oo horyaalka LaLiga ah, Union Berlin oo ah ciyaarta ugu dambaysa wareegga group-yada Champions League, Villarreal iyo Almeria oo iyaguna horyaalka ah.
Waxa kale oo uu ka maqnaan doonaa ciyaarta Real Mallorca ee bilowga sannadka cusub, wareegga 32ka tartanka Copa Del Rey iyo xataa tartanka Spanish Super Cup oo ay semi-finalka isku dhaceen Atletico Madrid, kaas oo xataa uu finalkiisa seegi karayo haddii ay kooxdiisu usoo gudubto.
Marka la isku-daro kulamada uu Eduardo Camavinga dhaawaca ku maqnaanayo, waxanay noqonayaan illaa 11 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.
Be the first to comment