Weeraryahankii Ay U Waalanayeen Arsenal Iyo Chelsea Oo Heshiis Cusub Saxeexaya, Liverpool Oo Lagu Qabsaday Xiddig Ay Sugayay Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Brentford ayaa qorshaynaysa in ay heshiis cusub ka saxeexdo weeraryahanka ay u waalanayaan Arsenal iyo Chelsea ee Ivan Toney oo ah 27 jir laga joojiyey ciyaaraha illaa sannadka cusub, kaddib markii lagu helay inuu khamaar sameeyey. (Talksport)

Manchester City waxa ay kula tartami doontaa Liverpool laacibka reer Germany ee Leroy Sane. Pep Guardiola ayaa doonaya in uu dib ugu soo celiyo Sane garoonka Etihad Stadium. (Bild)

Sir Jim Ratcliffe oo u dhow inuu iibsado 25% kooxda Manchester United, ayaa waxa la filayaa in uu raaci doono talooyinka uu usoo jeediyo Sir Alex Ferguson, iyadoo Ratcliffe uu la wareegayo maamulka kooxda. (Telegraph)

Khadka dhexe ee Barcelona ee Ilkay Gundogan ayaa uu wakiilkiisu beeniyey in uu 33 jirkan reer Geramny doonayo inuu iskaga tago Camp Nou oo uu u wareego Galatasaray xagaaga. (Mundo Deportivo)

Arsenal waxay u ogolaanaysaa difaaca reer Poland ee Jakub Kiwior in uu amaah ku baxo, kaddib markii uu 23 jirkani u sheegay Mikel Arteta inuu u baahan yahay inuu si joogto ah u ciyaaro. (90min)

Chelsea waxa ay doonaysaa in ay dib ugu yeedhato xiddiga khadka dhexe ee Brazil ee Andrey Santos oo ay amaah ugu dirtay Nottingham Forest, sababtoo ah 19 jirkan ayaa wax fursad ah laga siin waayay kooxdaas. (Standard)

Garabka weerarka Newcastle United ee Anthony Gordon oo 22 jir ah, ayaa caddeeyey in aanay qorshaha ugu jirin in uu dhalashadiisa beddelo oo uu iska diido inuu u ciyaaro xulka qaranka England oo uu uga wareego Scotland, waxaana uu warkani soo baxay markii uu Gareth Southgate laacibkan ka reebay kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee bishan November. (Athletic)

Manchester City waxay heshiis ku kacaya £1.2 milyan oo Gini la saxeexatay kubbad-sameeyaha da’da yar ee Leeds United ee Finley Gordon oo ah 15 jir u dhashay waddanka England. (Football Insider)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*