Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay war kale oo naxdin leh, iyagoo hore ula murugaysnaa dhaawaca xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga, waxaana xalay liiska dhaawacyada soo galay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior.
Ciyaartii guul-darradu kasoo gaadhay Brazil ee xalay ay Colombia kaga adkaatay 2-1 ayaa waxa uu Vinicius Junior kasoo gaadhay dhaawac sababay inuu garoonka ka baxo daqiiqaddii 26aad.
Garabka weerarka Brazil ayaa xanuun ka dareemay muruqa dambe ee bowdada, waxaana uu dalbaday in dhakhaatiirtu caawiyaan, balse waqti kooban oo xaaladdiisa lagula tacaalay gudaha garoonka, waxa la go’aamiyey in aanu sii wadan akraynin ciyaarta.
Xidhiidhka kubadda cagta Brazil wali kama aanay hadal dhaawaca Vinicius Junior iyo muddada suurtogalka ah ee uu maqnaanayo, hase yeeshee waxa la filayaa in maanta lagu sameeyo baadhitaanno si loo ogaado inta uu le’egyahay dhaawaciisu.
Vinicius Junior oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib, ayaa waxa uu sheegay in uu xanuun ka dareemay muruqa, maantana lagu samayn doono baadhitaano balse ma aanu muujinin walaac badan, sidoo kalena wax niyad-samaan ah kama bixin xaaladdiisa isaga oo kaliya ku adkaystay in ay wax walba ku xidhnaanayaan natiijada baadhitaanka.
🚨 VINICIUS se pronuncia tras su LESIÓN:
"Creo que es la misma que la última vez".
"Me dieron un golpe ahà y me resentà un poco más tarde" (vÃa @FuiClear). pic.twitter.com/JbjrRPJPKH
— El Chiringuito TV (@elchiringuitotv) November 17, 2023
Dhaawaca Vincius Junior ayaa yimid iyadoo Arbacadii uu xulka qaranka France ku dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga oo jilibka wax ka noqday, kaas oo la filayo in uu garoomada ka maqnaado illaa sannadka cusub ee 2024.
Waxa kale oo hore Real Madrid uga dhaawacnaa Dani Ceballos, Arda Guler, Aurelien Tchouameni, Eder Militao iyo Thibaut Courtois.
Be the first to comment