MUCJISADA Endric: Cunto Kariyaha Khaaska Ah Ee 17 Jirka, Dhakharkiisa Gaardka Ah, Weerarka Uu Ku Qaaday Neymar Iyo Rikoodhka Uu Caawa Dhigayo


Muddo marka la joogaba, waxa Brazil usoo baxa ciyaartoy lagu tilmaamo mucjiso. Kasoo bilow Pele oo adduunyada qabsaday dabayaaqadii 1950-meeyadii, ku xigsii Zico oo 15 sannadood ka dambeeyey, Ronaldo oo badhtamihii 1990-meeyihii adduunyada haystay iyo Ronaldinho oo muddo aynu mucjisooyinkiisa daawanaynay. Intoodaba markii garoomada laga waayey ee ay duqoobeen, qaarkoodna geeriyoodeen (Pele), waxa ay Brazil heshay dheeman kale oo mucjiso lagu tilmaamay. Waxa hadda raadka kuwaas oo kale haya oo ay adduunyadu indhaha ku haysaa Endric.

Toddoba ciyaarood oo kaliya oo uu Endric u saftay Palmeiras bishii December markii ay Real Madrid ku iibsatay £52.5 milyan oo Gini, ayaa waxa uu usoo guuri doonaa Yurub oo uu usoo wareegi doonaa Real Madrid bisha July ee sannadka dambe oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir.

Endrick ayaa kooxda da’yarta ee Palmeiras waxa uu u saftay 169 ciyaarood oo uu u dhaliyey 165 gool, waxaana uu iska diiday Chelsea iyo Paris Saint-Germain oo kula tartamayay Real Madrid, si uu uga garab ciyaaro saaxiibbadii Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.

Caawa ayuu rikoodh cusub dhigayaa, waxaana uu ka mid noqonayaa xulka qaranka Spain ee la ciyaaraya Colombia isaga oo kaliya ay da’diisu tahay 17 sannadood iyo 118 maalmood, haddii fursad laga siiyo ciyaartanna waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii afraad ee ugu da’da yaraa taariikhda xulka qaranka Brazil ee la ciyaarsiiyo. Kaliya waxa ka da’ yaraanaya Pele, Edu iyo Coutinho oo iyadoo ay da’doodu ka yar tahay intan u ciyaaray xulka qaranka.

Endrick ayaa waxa uu tababaraha xulka qaranka Brazil ku qanciyey, bandhiggii indho-sarcaadka ahaa ee uu ka sameeyey ciyaartii guusha soo laabashada ee 4-3 ay kooxdiisa Palmeiras ka gaadhay Botafogo horraantii bishan, taas oo uu dhaliyey laba gool oo degdeg ahaa iyadoo kooxdiisa lagu hoggaaminayay 3-0, balse ay ku adkaadeen 4-3.

Sannadkan 2023 ma ahayn mid u wanaagsan Endrick, sababtoo ay way yaraayeen kulamada uu kusoo bilowday, waxaana la dhigay kursiga kaydka iyadoo waliba ay hayaan indhaha saxaafaddu taas oo culays ku noqotay, laakiin haddana waa ciyaartoyga goolasha ugu badan uga dhaliyey horyaalka Brazil, waxaana uu u saxeexay sagaal gool, iyaga oo u muuqda in ay ku guuleysanayaan horyaalka.

Endrick ayaa waxa uu samaystay cunto kariye khaas ah oo u sameeya cuntooyinka nafaqada leh ee ka caawinaya sidii uu jidhkiisu u dhismi lahaa, una noqon lahaa mid u kora sida ugu macquulsan iyo dhakhtar gaar ah oo u qaabbilsan dhisidda jidhka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Endrick uu dhowaan sheegay hadal u muuqday inuu ku durayo xiddigo waaweyn oo xulka qaranka Brazil ah oo uu ugu horreeyo Neymar Jr oo lagu yaqaano inuu jecel yahay xafladaha, taas oo ay ka sinnaayeen halyeygii dalkaas ee Ronaldo Nazario, waxaana Endrick uu yidhi: “Anigu waan necebahay xafladaha iyo in aan kusoo caweeyo bannaanada, waxa aan kaliya diiradda saaraa xirfaddayda iyo horumarkayga shaqasiga ah. Waxa aan leeyahay hiigsi, waana in aan si habboon u dhaqmo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*