“40 Sannadood Ayaan Ku Noolaa Kubadda Cagta, Arrinta Barcelona Walaac Ayay Igu Haysaa…”


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa walaac ka muujiyey kiisaska lagu soo eedeeyey Barcelona ee ah in ay lacago laaluush ah siiyeen Jose Maria Enriquez Negreira oo hore u ahaan jiray madaxweyne ku-xigeenka garsooreyaasha Spain.

Negreira ayaa la sheegay in uu lacag ka badan toddoba milyan oo Euro uu ka helay Barcelona intii u dhaxaysay sannadihii 2001 illaa 2018, iyadoo lacagtana loosoo marsiiyey shirkad uu leeyahay, balse qorshuhu ahaa in uu ka caawiyo in ay natiijooyin fiican ka helaan garoomada.

Booliska Spain ayaa Khamiistii weerar ku qaaday xarunta guud ee garsooreyaasha Spain, iyaga oo baadhitaan la xidhiidha kiiskan ku sameeyey, sidoo kalena waxa ay waxa la baadhay xafiisyada Barcelona.

Tababaraha Real Madrid oo la ogyahay cadaawadda ka dhaxaysa kooxdiisa iyo Barcelona, ayaa wax laga weydiiyey arrintan, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan u walaacsanahay sida uu arrintan uga walaacsan yahay qof kasta oo kubadda cagta adduunka ah oo la socda halista kiiskan, laakiin caddaaladda ayaa shaqaynaysa, waana in aynu ogolaano in caddaaladda la wado oo sharciga la raaco.

“Anigu 40 sannadood ayaan ku noolaa kubadda cagta, marka arrimo noocan oo kale ah ay dhacaanna walwal ayay igu abuuraan, waxaase rajaynayaa in caddaaladdu shaqadeeda qabsato oo la gaadho xal.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*