Harry Kane Oo U Guuraya Guri Qasri Ah Oo Qiimihiisu Yahay £29 Milyan Oo Gini


Kaddib saddex bilood oo uu deggenaa hotel ku yaalla magaalada Munich, weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ugu dambayntii helay guri uu si rasmi ah u dego, waxaana uu ka bixi doonaa hotel ay isaga iyo carruurtiisu ku curduduubaayeen oo muddadii uu joogay Munich uu ku bixiyey lacag dhan £1 milyan oo Gini.

Harry Kane oo bishii August ay la wareegtay Bayern Munich ayaa waxa uu deggenaa Hotel ku yaalla magaalada Munich oo nooca ugu qaalisan ah.

Sida uu xaqiijiyey wargeyska The Sun, Kane ayaa waxa muddadii uu hotelka deggenaa waxa lagu soo dallacay biil ama kharash dhan £1 milyan oo Gini.

Laakiin laacibkan ayaa ugu dambayntii waxa uu magaalada Munich ka helay guri qiimihiisu yahay £29 milyan oo Gini, kaddib markii uu muddo dheer raadinayay guri uu dego oo noloshiisa u qalmaya.

30 jirkan oo dhowaan uu saaxiibkiisa Bayern Munich ee Thomas Muller uu kula kaftamay inuu qol ka siinayo gurigiisa qasriga ah ee uu deggen yahay, ayaa la filayaa inuu u guuro guriga qasriga ah ee £29 milyan ee Gini ah.

Lama hubo in uu iibsan doono iyo inuu kiro ku degi doono, hase yeeshee waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka baxo hotelka oo isaga iyo carruurtiisuba ay ku dhibban yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Harry Kane ayaa muddadii uu joogay Bayern Munich waxa uu u saftay 10 ciyaarood oo horyaalka Bundesliga ah waxaanu u dhaliyey 17 gool, isaga oo saddexlay dhaliyey ciyaartii Borussia Dortmund.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*